Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo war ka soo saartay duqeymihii ay ciidamada Kenya ka geysteen Gedo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by AMISOM troops
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bayaan ka soo baxay howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa lagu shaaciyey in AMISOM iyadoo ka jawaabeysa bayaankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya 4-tii bishan ay bilaawday baaritaanka duqeymihii ciidanka Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo.

“Howlgalka ayaa hada ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale oo ay khuseyso inta aan baareyno arintaan,” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in AMISOM ay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday ee Soomaaliya, si waafaqsan asluubta, iyadoo la raacayo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee khuseeya howlgalka. “Sidaas darteed waxaa ka go’an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda ka dhanka ah ee loo geysto rayidka.”

“AMISOM waxay si buuxda u baareysaa dhacdada la sheegay wixii ka soo baxana waxaa lala wadaagi doonaa dhammaan daneeyayaasha ay khuseyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka AMISOM.

Maalin ka hor 4-tii June war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyey duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Maalinta Deegaanka Adduunka dhirbeeris sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

AMISOM statement on reported airstrikes in Gedo region

Next Post
Dhageyso: Taliska AMISOM ee Somaaliya oo ka hadlay guulaha ay ka gaareen Dagaalka Al shabaab

AMISOM statement on reported airstrikes in Gedo region

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In