Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqalka Sanate-ka Mareykanka oo u codeeyay soo afjaridda dagaalka Milatari ee Yeman

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Aqalka Sanate-ka Mareykanka oo u codeeyay soo afjaridda dagaalka Milatari ee Yeman
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Xildhibaannada aqalka Sanate-ka ee dalka Mareykanka ayaa hakiyay doodda qaraar ee mustaqbalka soo afjari lahheyd ku lug lahaanshaha Milatari ee Mareykanka ku lug leeyahay colaadda sokeeye ee dalka Yeman.

Codeynta Golaha Sanate-ka Mareykanka u codeeyay qraarka ku saabsan joojinta taageerada milatary ee Mareykanku ka geysto dagaalka ka socoda dalka Yeman ayaa ku soo beegantay xilli dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Mahamed Salman booqasho Seddex Todobaad ah uga bilaabatay dalka Mareykanka

55 ka mid ah Xubnaha aqlka sare ee dalka Mareykanka ayaa diiday qaraarkaa halka 44 ka mid ahna ay ogolaadeen inuu Mareykanku sii wado Taageerada uu ka geysto dagaalka ka socda dalka Yeman ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Ciidamada Mareykanka  ayaa hadda taageero ka siiya xulufada uu Sacuudiga hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah  Xuutiyiinta oo la sheegay inay taageerto Iiran.

Senetarada uga cad cad ee Mooshinkan soo abaabulay waxaa ka mid ahaa  Bernie Sanders oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga wuxuuna Warfidiyeenka u sheegay  in uu doonayo in Mareykanka uu joojiyo faragelinta Milatari ee uu ku hayo Yeman isla markaana la soo afjaro colaadda sokeeye ee galaafatay nolasha kumannaan qof oo rayid ah.

Madaxweynaha  Mareykanka  Donald  Trump ayaa waxa u dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Mahamed bin Salman kala hadlay hubka Niyuukleerka Iiraan iyo xasaradda ka taagan dalka Yeman, waxaana Trump uu sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxiibka ugu weyn ee Mareykanka.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa kala hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga maalgelinta Sacuudiga iyo Mareykanka oo gaareysa 200 bilyan oo dollar sida ay soo warisay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Previous Post

Duqa Muqdisho “Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda”

Next Post

Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo balaaran ka wada qaybo ka mid ah gobalka Gedo

Next Post
Ciidamada Xoogga Dalka oo Shabaab kala watreegay Deegaanno ka mid ah Sh/dhexe

Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo balaaran ka wada qaybo ka mid ah gobalka Gedo

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In