Waxaa lasoo gaba gabeeyay kulan Aqoon isweydaarsi ah oo socday muddo labo maalmood ah islamarkaana ku saabsanaa kaalinta saxaafadda ee Sharciga Doorashooyinka dalka oo hadda diyaarintiisa ay gacanta ku heyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiintra Dowladda Federaalka ah.
Aqoon is weydaarsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaradda Arrimaha Gudaha cashiradisiana ay bixinayeen khubaro dhinaca Doorashooyinka ah ayaa waxaa ka qeybgalayay in kabadan 50-suxufiyiin ah oo ka kala socday warbaahinta Qaranka,tan gaarka loo leeyahay iyo Hayโadaha Arrimaha Warbaahina la shaqeeya waxaana leysku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sida Saxaafaddu uga qeyb qaadan laheyd in buslhada la gaarsiiyo sharciga Doorashooyinka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Maxamed Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wariyaasha aragtiyada ay ku biiriyeen sharciga Doorashooyinka iyo sida ay muujiyeen inay ka qeyb qaadanayaan wacyigalinta bulshashada ee dhanka doorashooyinka.
Suxufiyiintii kulnak ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay Wsaaradda Arrimaha Gudaha mudnaanta ay siisay Warbaahinta oo lagu bilaabay wada tashiga sharciga Doorashooyinka dalka waxayna balanqaadeen inay ilalain doonaan nidaamka iyo anshaxa saxaafadda ee tabinta Doorashooyinka.
Aqoon is weydaarsigan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan Shirkii Madaxda qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay isku raaceen in sharciga doorashooyinka diyaarintiisa lagusoo gaba gabeeyo ilaa bisha December ee sanadkan 2018, waxaana muuqanaya in hada la bilaabay wadatashiga bulshada ee sharcigan.