Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon isweydaarsiga Casriyeynta Dowladnimada ee Qorshaha Isbedelka Qaran oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Aqoon isweydaarsiga Casriyeynta Dowladnimada ee Qorshaha Isbedelka Qaran oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo ku saabsanaa tiirka Casriyaynta Dowladnimada ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Aqoon-is-weydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa looga gol lahaa in lagu dejiyo yoolalka iyo qorshayaasha qaybaha kala duwan ee tiirkan, oo ay ku jiraan Amniga, Saraynta Sharciga, Siyaasadda loo Dhanyahay, iyo Dib-u-habaynta Hay’adaha Dowladda. Waxa kale oo aqoon-is-weydaarsiga looga hadlay sidii daneeyayaasha kala duwan ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii caqabadaha jira loo xallin lahaa.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ee tiirkan hoos yimaada. Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, Maxamed-Wali Maxamed, oo ah masuulka hogaaminaya qaybta Siyaasadda loo Dhanyahay, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii laga dooday iyo yoolalka la rabo in la gaaro shanta sano ee soo socota. Sidoo kale, Mudane Cabdi Cismaan, Isku-duwaha Qorshaha Isbedelka Qaran, ayaa sharaxay habka diyaarinta qorshaha iyo waxa weli harsan in la qabto.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Feysal Aadan Xasan, ayaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay gabagabada kulanka, isagoo bogaadiyay dadaalka iyo ka qaybgalka mas’uuliyiinta.

Ugu dambayntii, Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha aqoon-is-weydaarsiga, kuna booriyay in ay dadaalkooda sii wadaan si loo soo saaro Qorshe Qaran oo wax ku ool ah, isla markaana ay wakhti iyo dadaal badan geliyaan sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Previous Post

Somali FM Discusses Collaborative Approaches with OIC Secretary-General

Next Post

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Next Post
Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In