Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika oo lagu qabtay Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika oo lagu qabtay Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulan looga hadlayay iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Aqoon kororsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha iyo maamulka Gobolka Hunan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Geeska Afrika ee nabadda iyo horumarka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo martigelisay aqoon isweydaarsigan, isla markaana u fidisay gogol ay ku wadahadli karaan, ayaga oo ay iska kaashanayaan Shiinaha iyo dalalaka xubnaha ka Geeska Afrika. Waxa uu Danjiraha ammaanay sida ay Shiinaha uga go’an tahay nabadda, horumarka, iyo barwaaqa doonka gobolka, sida ay muujiyeen hindisayaal ay ka mid yihiin “Initiative of Development Nabadda Geeska Afrika” oo uu soo jeediyay mudane Wang Yi wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka shiinaha.

Danjire Kullane ayaa iftiimiyay guulaha cajiibka ah ee ergayga gaarka ah ee Xue Bing uu ka gaaray kobcinta iskaashiga ee xiriirka Shiinaha uu la leeyahay Dalalka Geeska Afrika. Wuxuu ammaanay dadaalka diblomaasiyadeed ee ergeyga gaarka ah Mudane Xue Bing, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo horumarka geeska Afrika.

Danjire Kullane oo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariso arrimaha muhiimka ah ee qaranka iyada oo loo marayo wada hadal siyaasadeed, oo ay ku jiraan heshiisyada federaalaynta maaliyadda iyo isbeddelka qaabdhismeedka amniga qaranka.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika. Waxa uu ku baaqay in aad loo baahiyo, ayada oo laga sii balaatiyo in ka badan intii caadadad ahayd iyo sidoo kale in la sahamiyo fursado dheeraad ah ee xaga beeraha, wax soo saarka, farsamada, iyo dalxiiska. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta raasammaalka dadka, kobcinta awoodda, iyo isbeddelka dhijitaalka ah si loo dhaqaajiyo horumar waara iyo xoojinta xidhiidhka Shiinaha iyo Geeska Afrika.

Aqoon-is-weydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika wuxuu bixiyay fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo sahaminta hab cusub ee iskaashi.

Ugu dambeyn, Aqoon-is-weydaarsiga oo la qabtay 30-kii Juun 2023, ayaa waxaa isugu yimid Madax iyo wakiillo ka kala socday dalalka Geeska Afrika ah, sida Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Uganda, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan. Madaxda iyo Martida sharafta lahayd waxaa ka mid ahaa H.E. Xue Bing, Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee arrimaha Geeska Afrika, H.E. Mudane Girma Amente, Wasiirka Beeraha ee Itoobiya, iyo H.E. Mr. Frank K. Tumwebaze, Wasiirka Beeraha, Warshadaha Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Uganda.



Previous Post

Duqa Minneapolis oo u hambalyo u diray dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka

Next Post

Xarun cusub oo laga hirgeliyay deegaan hoostaga Degmada Xeraale

Next Post
Xarun cusub oo laga hirgeliyay deegaan hoostaga Degmada Xeraale

Xarun cusub oo laga hirgeliyay deegaan hoostaga Degmada Xeraale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In