Kulanka oo ahaa mid aqoon isweydaarsi ah loogana hadlayay arimaha Nabadda iyo dib u heshiisiinta isla markaana uusoo agaasimay Imam Maxamed Ashafa oo ah Sheekh Nigeriana nabadda iyo Dib-u-heshiisiintana u olaleeya ayna wehliyeen dhallinyarada Madasha Nabadda iyo isdhaxgalka Bulshada Gobalka Mudug oo iyaguna kaalin muuqata kasoo qaatay Nabadda Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah gobalka Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Aqoon isweydaarsigaan oo ay ka qeyb galeen waxgarad aqoonyahano dhallinyaro iyo xubno matalayay qeybaha kala.duwan ee reer Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa looga aragti dhiibtay ahmiyadda Nabadda iyo isdhaxgalku u leeyahay Nolasha bulshada iyo horumarka deegaanka ay bulshadu ku wada nool yihiin
Kulanka ayaa intii uu socaday ka qeyb galayaashii waxa ay tusaale usoo qaateen marka laga hadlayo faa’iidada Nabadda iyo dib u heshiisiinta dhaqan gasha ay u leedahay Nolasha iyo Horumarka Magaalada Gaalkacyo marxaladihii ay soo martay in ka badan 40 sano ka hor iyo xaaladda maanra ay ku sugan tahay taas oo muujineeysa in farqi aad uweyn ay udhaxeeyso
Imam Maxamed Ashafa ayaa sidoo kale intii u socday aqoon isweydaarsiga waxa uu ka hadlay Nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo xaaladaha loo mari karo marka ay jiraan colaado iyo is maandhaaf bulsho isagoona si hufan uga warbixiyay olalaha Nabadda u dib u heshiisiinta ee uu xusay in labaatan sano uu ka waday dalal farabadan kuwaas oo uu ka xusay kuwii ka jiray dalka Nigeria ee uu isagu u dhashay
Qaar ka mida ka qeyb galayaashii aqoon isweydaarsiga ayaa bogaadiyay fikradihii kala duwanaa ee ay is dhaafsadeen kulanka sida mira dhalka ah ee la iskula qaatay qodabadii laga doodayay kuwaas oo markii hore doodo culus ay ka jireen