Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon kororsi ku aadan Dalxiiska Qaaradda Afrika oo lagu soo gabo gabeeyay Masar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 26, 2018
in Wararka
0
Aqoon kororsi ku aadan Dalxiiska Qaaradda Afrika oo lagu soo gabo gabeeyay Masar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon kororsi iyo cilmi baaris la xiriirta Bad iyo Bari ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Aqoon kororsigan oo socday muddo dhowr iyo toban cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay khuburo ka kala socday 30 wadan oo Qaarada Afrika ku yaala, waxaana dhanka Soomaaliya uga qeyb galay lataliyaha dhanka Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Yaasir Maxamed Baafo, oo madasha la isku dhaafsanayay aqoon kororsiga kheyraadka dalxiiska ka jeediyay warbixin dheer oo uu uga hadlayay in Soomaaliya ay tahay dal leh goobo badan oo dalxiis ah, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay iney soo nooleyso dalxiiska.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Aqoon isweydaarsiga ku aadan wadamada Afrika ee Kheyraadka dabiiciga dalxiiska ayaa waxa soo qaban qaabiyay iskana kaashaday Wasaaradaha dalxiiska iyo arrimha dibadda ee Masar.

“Socdaalkeenna waxu ahaa socdaal ay iska kaashanayeen dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska iyo dowladda Masar, taaso loo bandhigay wadamo badano Afrika iney kaso qeyb galaan Soomaaliya wadamadii ajiibay ayey ku jirtay kadibna laga codsaday dad khuburo ah iney soo diraan maadama cilmi baaris uu yahay, sidaas ayana ku imid anoo matalaya guud ahan dowladda, gaar ahaan Wasaaradda, waxaan kamid ahaa dad gaaraya ila 30 dal oo Afrikaan ah, kuwooda ugu waaweyn ee arrimaha dalxiiska ugu horumarsan, Soomaaliya xubin ayey ka ahayd oo shirkaas cilmi baarista ah kaso qeyb galay waxaana u socday 14 cisho” ayuu yiri Yaasir.

Sidoo kale Mudane Yaasir Baafo ayaa xusay in Wasaaraddu ay waddo dedaal ku aadan sidii caalamka loo tusi lahaa in Soomaaliya ay dib u soo ceshaneyso goobihii ay caanka ku ahayd ee dhanka Dalxiiska ah.

“Waxan kaso qeyb galnay shir ka dhacay Malaysia hadana midkaan ayan joogna waxaas oo dhan markii la isku soo duubo waxay cadeyneysa dadaalka aan ugu jirno in caalamka aan tusno dalxiiska Soomaliya, si guud Soomaaliya ayaa aduunka u sahlayso iney diyaar u tahay in indhihii aduunka aan dib uso celino oo maanta waxa ka dhaca  Soomaaliya aan kala simanahay aduunka intiisa kalle” ayuu yiri Baafo

Soomaaliya oo isbadal dhinacyo badan sameysay sanadihii ugu danbeeyay ayaa u suurto gashay  dhawaan iney xubin buuxdo ka noqoto  hay’adda dalxiiska adduunka ee Qaramada Midoobay.

W/D: Wariye Mowliid Moha

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waa lama huraan in Soomaaliya ay ku soo noqoto Saaxadda Caalamka.”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka

Ra'iisul Wasaare Khayre " Waa lama huraan in Soomaaliya ay ku soo noqoto Saaxadda Caalamka.”

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In