Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoonyahanno Soomaaliyeed Oo Mareykanka Ka Wada Wacyigilin Lagu Xoojinaya Dowladnimada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Aqoonyahanno Soomaaliyeed Oo Mareykanka Ka Wada Wacyigilin Lagu Xoojinaya Dowladnimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo iskood isku xilqaamay ayaa shacabka Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka xiliyadii u dambeeyay ku wacyi galinayay in ay ku baraarugaan sidii loo samatabixin lahaa ummadda  Soomaaliyeed islamarkaana loo xoojin lahaa Nidaamka dhisan iyadoo qaladaadka la saxayo.

Waxa ay aqoonyahanadani oo ku Midaysan ururka Gurmad mar ay maanta la hadlayeen Soomaalida Ohio kulankoodu waxa uu u dhacay sida tan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Dadka Soomaaliyeed waa dad leh Haybad iyo sharaf soo jiren ah waana dad ka tilmaaman caalamka hanka iyo qabka ay leeyihiin waxa ay tusaale u ahayeen geeska Africa waxaana walaalaha Gurmad ay u istaageen in ay soo celiyaan sharaftii Soomaaliyeed iyaga oo kaashanaya shacabka, iyo dowladooda, ma’ahan urur siyaasadeed oo madaxnimo doon ah. Ayay tiri Khadro Maxamed oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee Ohio.

Garyaqaan C/waaxid Qalinle ayaa yiri ” Hadafkeena iyo taladeenu waa in 2016-ka isbadalka Soomaaliya ay galayso uu ahaadaa mid Soomaalida loo daayo oo ay dadka Soomaaliyeed iyagu waxooda qabsadaan,waxaan kaloo qabnaa in Nidaamkii jiray aan la duminin oo aan la bur burinin ee halkii la soo gaarsiyay laga sii wado wixii qaldana la saxo.

Prof; Jibriil Mohamed ayaa yiri “Naga mid ma’ahan qof hada u ordaya xil iyo jago qorashaha nooguma jirto waxaan u taaganahay in la helo Soomaaliya oo si saxa u shaqeynaysa inaga oo qofna taageerayn qofna mucaaradayn isla markaana u taagan in aan caawino Hay’adii Dowladeed ee shacabka u adeegaysa.”

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Oo Lagu Wado In Maanta Uu Xariga Ka Jaro Mashaariicyo Laga Hirgaliyay Deegaanada Qalimow iyo Xawaadlay

Next Post

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo maanta ka furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo maanta ka furmay Muqdisho “Sawirro”

Shir looga hadlayo ka hortagga gudniinka Firooniga oo maanta ka furmay Muqdisho "Sawirro"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In