Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay – SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shir-Cilmiyeed ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta ganacsiga oo Muqdisho lagu qabtay – SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta qabatay shir-cilmiyeed ku saabsan ganacsiga iyo hal-abuurka(Entrepreneurship) oo ay ka qeyb galeen cilmi-baareyaal, ganacsato iyo masuuliyiin ka socotay qeybaha bulshada.

Shirkaan ujeedkiisu waxa uu ahaa in lagu soo bandhigo cilmi-baaris ay aqoonyahanno Soomaaliyeed ku sameeyeen caqabadaha horyaalla ganacsiga Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo. Sidoo kale cilmi baareyaasha ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee dalka Soomaaliya yaala.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Waxaa kulankaas intii uu socday hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah ganacsatadii ka soo qayb gashay oo iyagu ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha sababa in ganacsiga yar yarka ah ee ay abuuraan Ganacsato Soomaaliyeed uu bur buro isagoo aan waqti dheer sii jirin iyo sida xalku ku jiro oo ganacsatada loo dhiiri gelin karo.

“Waxyaabaha Sababa in ganacsiyo badan oo mawaadiniin Soomaaliyeed ay furteen ay bur buraan ama niyad jabka ku keena ganacsatada waxaa ka mid ah dadkeenu inta badan waxay sameeyaan ganacsi isku eg oo lasoo minguuriyay intooda badan” ayuu yiri Axmed Cali Suldaan oo ah ganacsade iyo macallin ka tirsan jaamacadda SIMAD.

“Ganacsiga sida hadda ku dhacday ganacsiyada qaar in ganacsadaha waxii uu keeno laga daba keeno niyad jab ayay ku keneysaa waxaana looga gudbi karaa in dulqaad ay u yeeshaan ganacsatadu marka ay bilaabayaan howsha ganacsiga “ayuu sii raaciyay Suldaan.

Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi Daahir Carab oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa waxa uu sheegay in kulankani uu noqon doono sanadle ay jaamacaddu hormuud ka tahay isla markana ay ku dadaali doonto in gobollada dalka oo dhan ay gaarsiiso.

“Insha alaah kulankani waxaa uu noqon doonaa mid sanadle ah oo sanad walba la qabto isagoo intaan ka sii balaaran kani waa kii koowaad waxaan gaarsiin doonaa gobollada dalka oo dhan si ganacsiga dalkeenu heer u gaaro”ayuu yiri Daahir Carab.

Shirkaan ayaa loogu talo galay in bahda waxbarashada iyo ganacsatada ay isku dhaafsadaan aragtiyada la xiriira ganacsiga iyo caqadaha ku imaan kara, ayadoo cilmi-baareyaal badan ay soo bandhigeen sababaha keena in ganacsigu uu guul darreysto, taas oo ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin in maalgeliyeyaashu ay hal ganacsi wada qaataan.

11205586_861673513886801_2276900256942264990_n 11205114_861673723886780_1883834251095062889_n 11174850_861673703886782_5861450531051406558_n IMG_2801
11012944_861673510553468_1592837253931749834_n

 

Previous Post

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo maanta tababar loo soo xiray

Next Post

“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada

Next Post
“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada

"Sawirro"Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In