Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

“Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka.

“Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

DHAMMAAD

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In