Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso:-Waxqabadka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Akhriso:-Waxqabadka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
Taliyaha Ciidanka X.D.S oo mar labaad loo soo magacaabay 23 Agosto 2018 kadib markii guud ahaan muwaadiniin Soomaaliyeed gaar Ciidanka X.D.S soo codsadeen in la soo celiyo S/Gaas Daahir Aadan Cilmo (Indha Qarshe) kaa soo xaqiijin kara dib u dhiska Ciidanka X.D.S.

marka laga eego heerka aqoontiisa ciidan, waayaaragnimadiisa iyo kartidiisa. Dowladda federalka soomaaliya ay tixgaliyeen rabitaanka muwaadiniinta soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka X.D.S waxay markii labaad loo soo magacaabay xilka taliyaha Ciidanka X.D.S S/ Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo lagu yaqaqaano nin markiiba abaara meelaha uu ka liito Ciidanka X.D.S

si kor loogu qaado wax qabadka dhinac kasto leh ee ciidanka X.D. Haddii tusaale kooban aan ka soo qaadano wax qabadkiisii hore mudadii 1aad ee xilka taliyenimada loo soo magacaabay sanadkii 2013-2015:

1. Wuxuu Ciidanka u kala saaray Howlgal,Howlgab,Naafo iyo Agoon, taasoo saldhig u aheyd qaab dhismeydka ciidanka X.D.S ee lagu yaqaanay.

2. Wuxuu kala saaray Mushaaraadka Ciidanka X.D.S Askar iyo Saraakiilba ay isku mid ahaayen ($100), wuxuuna u kala saaray Mushaarka saraakiisha laga bilaabo Sareeye ilaa Xidigle oo mid kasto Mushaar cayiman oo ku filan la siiyay.

3. Wuxuu Suurto galiyay in si wadajir ah looga shaqeeyo qorshaha la dagaalanka Argagixisada Alshabab iyo dib u dhiska ciddanka X.D.S oo isugu jira Tababarada Ciidanka (Dibadda iyo Gudaha) ku waasoo isugu jira Saraakiil, Saraakiil Xigeen, iyo Askar.

4. Wuxuu Xaqiijiyay xiriirka wada shaqeynta Taliska Guud Ciidanka X.D.S. iyo dowladaha gacanta naga siiyo dib u dhiska ciidan X.D.S

5. Wuxuu soo celiyay kala dambeyntii iyo dishibiliinka Ciidanka X.D.S, iyadoo saldhig looga dhigay sixitaanka darajooyinka saraakiisha X.D.S.

Iyadoo ay Intaas ka badan yihiin wax qabadka Taliyaha X.D.S, ayaan waxaa ku soo koobnay waxqabadkiisii hore mudadii uu xilka hayay laga soo bilaabo 2013-2015

Dib u soo magacaabistiisa  xilka Taliyaha Ciidanka X.D.S S/Gaas Dahir Adan Cilmi (Indha Qarshe) uu ku yimid rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed oo u baahan Ciidan Qaran gaar ahaan Ciidanka X.D.S.

Taliye Indha Qarshe  ayaa bilaabay in uu is beddel deg deg ah ku sameeyo qeybaha kala duwan ee X.D.S.

1. Tayeenta Hoggaamada Taliska Guud, si taakuleynta ciidanka dhinaca hawlgalinta iyo maamulka uu u noqdo (Kor Hoos,Hoos Kor) wuxuuna Hoggaamada Taliska Guud u kala magacaabay saraakiil ku haboon aqoon ahaan iyo karti ahaanba Hoggaamada kala duwan ee Taliska Guud oo ah maskaxdii ciidanka X.D.S.

2. Wuxuu bilaabay in la diyaariyo qorshihii hawlgalinta ee sifeenta  cadawga Alshabab kaas oo lagaga soo faramaroojinayo deegaanada ay ka taliyaan, waxaana saldhig looga dhigay (Badbaado1, Badbaado2) oo ku fadhiya hawlgalladii lagu qaaday Goballada Sh/hoose iyo Sh/Dhexe kuwaas oo laga soo hooyay guulo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin in deegaano cusub ay qabsadeen Ciidanka X.D.S, kuna sugan yihiin hadda oo horey cadawga u haystay, sida deegaanada xeebta Jasiira ilaa Marka,Dhanaane,Ceel Aw maki iyo Jilib Marka.

3. Si loo xaqiijiyo tayada saraakiisha ciidanka X.D.S ayaa loo fariisiyay imtixaan qorsheysan dhammaan Saraakiisha Ciidanka X.D.S, ayadoo loo saaray guddiyo kala duwan ee qaadista imtixaanka iyo sixitaankiisa, waxaana la sugayaa natiijadii imtixaanka oo mar dhaw la soo saari doono, waxeyna saldhig u noqoneysaa kala saaridda Saraakiisha tayada leh iyo kuwa aan tayada laheyn oo laga gaari doono go’aanada ku haboon.

4. Waxaa is beddel lagu sameeyay dhammaan Taliyaasha Qeybaha Ciidanka X.D.S si loo dar dargeliyo qorshaha cusub ee la dagaalanka cadawga Alshabaab,

5. Hoggaamada Taliska Guud waxaa ka socda qorshaha 4tasano ee loogu talagalay in lagu fuliyo waqtiga kala guurka oo dalkoo dhan difaaciisa uu la wareegi doono ciidanka X.D.S.

Iyadoona ay xusid mudan tahay in taliyaha ciidanka X.D.S kaliya oo isku heysto aqoonta guud ee ciidanka X.D.S (Dhul,Cir iyo Badda) waana sarkaalka kaliya oo nool,heystana Billad Dahab ah sidaas darteed waa isha kaliya ee X.D.S ee dhinaca dib u dhiska iyo hoggaaminta ciidanka X.D.S.

Previous Post

Is-beddelka cimillada Soomaaliya oo laga digay

Next Post

Mas’uuliyiin ka qeyb gashay xaflad lagu dhiiri gelinayay dhallinyarada oo lagu qabtay Shangaani “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin ka qeyb gashay xaflad lagu dhiiri gelinayay dhallinyarada oo lagu qabtay Shangaani “SAWIRRO”

Mas'uuliyiin ka qeyb gashay xaflad lagu dhiiri gelinayay dhallinyarada oo lagu qabtay Shangaani "SAWIRRO"

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In