Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday araga la’ oo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo iyo taban arday oo ka baxday dugsiga dhexe ee iskuulka Indhoola yaasha Al-Nuur ayaa maanta waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, mas’uuliyiin ka socday xafiiska Ra’iisul wasaarah iyo hormuud Foundation oo munaasabaadan soo qaban qaabiyey

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa munaasabada ka sheegay in wax lagu farxo ay tahay arday arag la’ oo heerkaan qaaray, isagoo maamulka iskuulka Al Nuur ku wareejiyey iskuulkii howlwadaag oo ay dowladdu lahayd.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

“Waxaaan ugu bishaaraynayaa maanta maamulka Al Nuur in aaan ku wareejinay iskuulka howlwadaag oo hormuud gacan ka geysan doonto iskuulkaas oo aad loo balaarin doono”ayuu yiri Wasiir ku-xgienka Waxbarashada.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Saalax Sheekh Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay garab taagan tahay dadka araga la’ isaga oo balan qaaday in ay gacan ka geysanaan dib u dhiska iskuulka lagu wareejiyay.

“Waxaan diyaaar u nahay in aan dhisno iskuulka Wasaaradda Waxbarashad ugu deeqday ardaydaan gacanta u baahan waliba waxaan u dhisi doonaa hab casri ah”ayuu yiri Eng, Saalax.

Wasiir ku xigeen wasaarada waxbarashada ayaa ugu dembeentii ardaydii kaalmaha 1aad 2aad iyo 3aad kala galay guddoonsiiyey hadiyo loogu tala galay oo laabtoobyo kamid ahaayeen.

 

Previous Post

Wasaaradda Tamarta oo u jeedisay shirkadaha korontada dalka in qiimo dhimis ay sameeyaan

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In