Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Tamarta oo u jeedisay shirkadaha korontada dalka in qiimo dhimis ay sameeyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Tamarta oo u jeedisay shirkadaha korontada dalka in qiimo dhimis ay sameeyaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraatka Biyaha Sahro C/qaadir ayaa maanta kormeer ku tegtay xarunta shirkadda Korontada BECO oo ahayd xarunti hore ee Wakaaladda xoogga koronta, si loola socdo howlaha shirkaddu ay u heyso shacabka, islamarkaana masuuliyiinta Wasaaradu shirkada ay la wadaagaan baahiyaha bulshada ee dhinaca korontada.

Sahro C/qaadir Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraatka biyaha ayaa qeyb qeyb u kormeertay xarunta ugu weyn ee shirka BECO ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay wehliyaan masuuliyiinta shirkada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niรฑo 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niรฑo 2026

September 29, 2026
๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Madaxad Howlgalinta ee shirkada korontada ee BECO Cawil Tooxow Kheyre ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta ay arkaan howlaha kala duwan ee dhinaca korontada ah ee ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

โ€œRuntii farxad ayey noo tahay iney nasoo gaarto Drs Sahro C/qaadir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta, waxaan tusnay howlaha aan u heyno shacabka, waxyaabo badan ayey nala aragtay waana fileynaa in wax badan ay iyaduna nagu soo kordhin doontoโ€ayuu yiri Cawil Tooxow

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta ee xukuumada Soomaaliya Sahro C/qaadir ayaa sheegtay in masuuliyiinta shirkadda ay kala hadashay dhinacyo badan oo qeybna ay ka tahay sidii shirkadu qiimo dhimis ay ugu sameyn laheyd adeega koronto oo ay siiso bulshada si loola jaanqaado baahiyahooda.

โ€œWaxan ka codsanayaa shirkadda in ay qiimo dhimis ku sameyso adeega korontada oo ay bixiso sababtoo ah dadkeena waxey u baahan yihiin in durufahooda la fahmoโ€ayay tiri Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta.

Dadaalada loogu kuur galayo howlaha shaqo ee shirkadaha korontada BECOย ayaa sahli kara in wax badan ay ka badasho qiimaha korontada oo dadka qaar ay ku tilmaameen in ay tahay mid aad u sareysa.

Previous Post

Muโ€™tamarkii 11-aad ee Ahlusunna Waljamaaca ee Qaarada Yurub oo lagu qabtay Sweden “SAWIRRO”

Next Post

Arday araga la’ oo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino

Next Post
ย Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

Arday araga la' oo la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niรฑo 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niรฑo 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐š๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

September 29, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In