Munaasabadanii oo lagu sagootinayay qaar kamid ah ardayda Jaamacadda Abaraar ee Muqdisho oo arday deeq waxbarasho ka heley Jaamacadda Salkik ee dalka Turkiga waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin,ardayda jaamacadad iyo waalidiinta ardaydaasi deeqda waxbarasho heshey,waxaana lagu dhiirogeliyay in dalkoodi ay wax u soo bartaan.
Eng. Axmed Cabdi Cali Mataan oo kamid ah maamulka Jamaacada Abraar ayaa sharaxay deeqda ay heleen ardaydaysi oo ah ku dhawaad 10 oo isugu jira wiilal oiyo gabdho,waxaana uu sheegay in ardaydan ay u garatay jaamacadda Abraar in ay dalkooda iyo dadkoodi ay wax u soo bartaan,taasi oo qeyb ka aha dhiirogelinta ardayda jaamacadda dhigata.
‘Ardaydaan waxaa ay iugu jiraan wiilal iyo gabdho,waxaa loo dhameystiray docomentiyadoodi iyo lacago loogu talagalay in ay ku jidmaraan,waxaa ay aadyaan jaamacadda Salkik ee Turkiga oo aan xirir waxbarasho leenahay,oo deeq waxbarasho aan uga helnay,marka waxaan rajeyneynaa in ay dalkoodi iyo dadkoodi ay ugu adeegi doonaan aqoonta ay soo bartaan,waxaana jira dadaalo kale oo lagu diro arday kale”, Ayuu yiri Eng. Axmed Cabdi Cali Mataan
Aweys Faarax Ciyow iyo Xuseen Xasan Xirsi oo ku kala hadlay magacyada waalidiinta iyo ardaydaasi ayaa maamulka uga mahadceliyay sida ay xil isaga saareen in ardayda ay helaan fursado waxbarasho oo dalka dibadiisi ah.
Dr Cabdala Maxamed Ibraahim oo ah guddoomiye kuxigeenka Jaamacadad Abraara ayaa la dardaarmay ardayda,waxaana uu sheegay in ardaydaasi looga baahanyahay in aysan shaqsiyadoodi wax u soo baran balse jaamacaddu ay ugu talagashey in aqoontoodi ay ugu faaideeyeen bulshadooda,waana qeybtii labaad oo wax barasho dibadda ah ka hesha dibadda.