Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday dhigata Jaamacadda SIMAD oo soo bandhigay sida lagu nooleyn karo Afka Hooyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardada dhigata fasalka BPA06 ee Jamacadda SIMAD oo ka mid ah Jamaacadaha ka dhisan dalka, isla markaana barta Kuliyadda dhaqaalaha iyo Cilmiga bulshada ayaa waxaa ay soo qaban qaabiyeen kulan balaaran oo looga hadlayay soo nooleynta iyo horumarinta Afka hooyo, kaas oo lagu qabtay xarunta Jamaacadda qaybteeda KM4, iyadoo kulan cilmiyeedkaas ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, Abwaanno iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah ardaydii soo qaban qaabisay kulan cilmiyeedka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay garteen sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa sida uu u lumayo Af-ka hooyo, isla markaana loo baahanyahay in loo wada istaago sidii loo soo nooleyn lahaa.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Qaar ka mid ah ardayda ayaa yiri “Markii aan aragnay in Afka Hooyo uu lumay, waxaan garwaaqsanay in aan sameyno barnaamijkan oo noo soo socday muddo saddex bil ah, runtii aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta soo gudbino siyaabaha lagu soo nooleyn karo afka Hooyo”

Qaar ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed ee ka qayb galay kulanka looga hadlayay hormarinta Afka Hooyo oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Siciid Maxamed Xarawo iyo Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed ayaa waxaa ay sheegeen in Afka Soomaaliga uu qatar ku jiro, loona baahanyahay in Ummadda Soomaaliyeed ay u istaagto dib u soo nooleynta Af-ka Hooyo, iyagoo Warbaahinta iyo xarumaha Waxbarashada Dalka ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan dib u soo nooleynta afka hooyo.

C/xamiid Xasan Wehliye Madaxa kuliyadda Dhaqaalaha iyo Cilmiga bulshada ayaa bogaadiyay dadaalka ay ardaydu sameeyeen ee ah sida lagu soo nooleyn karo Af-ka Soomaaliga, isagoo xusay in cilmi baarista ay sameeyeen ardayda uu qeyb weyn ka qaadan karo horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo gaba gabadii ka hadlay kulan Cilmiyeedka ayaa waxaa uu u Mahad celiyay Ardada Jaamacadda SIMAD ee isku howlay soo bandhigidda barnaamijkan, waxaana uu xusay in Wasaaradda ay qaadaneyso Doorka uga aadan horumarinta Afka Hooyo.

Previous Post

Guddiga Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo hogaan doortay

Next Post

Qaban qaabada magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socoto xarunta Madaxtooyada

Next Post

Qaban qaabada magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socoto xarunta Madaxtooyada

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In