Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday dhigata Jaamacadda SIMAD oo soo bandhigay sida lagu nooleyn karo Afka Hooyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardada dhigata fasalka BPA06 ee Jamacadda SIMAD oo ka mid ah Jamaacadaha ka dhisan dalka, isla markaana barta Kuliyadda dhaqaalaha iyo Cilmiga bulshada ayaa waxaa ay soo qaban qaabiyeen kulan balaaran oo looga hadlayay soo nooleynta iyo horumarinta Afka hooyo, kaas oo lagu qabtay xarunta Jamaacadda qaybteeda KM4, iyadoo kulan cilmiyeedkaas ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, Abwaanno iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah ardaydii soo qaban qaabisay kulan cilmiyeedka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay garteen sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa sida uu u lumayo Af-ka hooyo, isla markaana loo baahanyahay in loo wada istaago sidii loo soo nooleyn lahaa.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Qaar ka mid ah ardayda ayaa yiri “Markii aan aragnay in Afka Hooyo uu lumay, waxaan garwaaqsanay in aan sameyno barnaamijkan oo noo soo socday muddo saddex bil ah, runtii aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta soo gudbino siyaabaha lagu soo nooleyn karo afka Hooyo”

Qaar ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed ee ka qayb galay kulanka looga hadlayay hormarinta Afka Hooyo oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Siciid Maxamed Xarawo iyo Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed ayaa waxaa ay sheegeen in Afka Soomaaliga uu qatar ku jiro, loona baahanyahay in Ummadda Soomaaliyeed ay u istaagto dib u soo nooleynta Af-ka Hooyo, iyagoo Warbaahinta iyo xarumaha Waxbarashada Dalka ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan dib u soo nooleynta afka hooyo.

C/xamiid Xasan Wehliye Madaxa kuliyadda Dhaqaalaha iyo Cilmiga bulshada ayaa bogaadiyay dadaalka ay ardaydu sameeyeen ee ah sida lagu soo nooleyn karo Af-ka Soomaaliga, isagoo xusay in cilmi baarista ay sameeyeen ardayda uu qeyb weyn ka qaadan karo horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo gaba gabadii ka hadlay kulan Cilmiyeedka ayaa waxaa uu u Mahad celiyay Ardada Jaamacadda SIMAD ee isku howlay soo bandhigidda barnaamijkan, waxaana uu xusay in Wasaaradda ay qaadaneyso Doorka uga aadan horumarinta Afka Hooyo.

 

 

 

Previous Post

Guddiga Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo hogaan doortay

Next Post

Qaban qaabada magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socoto xarunta Madaxtooyada

Next Post

Qaban qaabada magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socoto xarunta Madaxtooyada

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In