Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Ka Baxday Dugsiyada Sare Oo Imtixaan U Galay Ka Mid Noqoshada Boliiska iyo Gen Xaamud Oo Kormeeray Ardayda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Arday Ka Baxday Dugsiyada Sare Oo Imtixaan U Galay Ka Mid Noqoshada Boliiska iyo Gen Xaamud Oo Kormeeray Ardayda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ku mashquulsanyahay horumarinta iyo tayeynta Ciidanka, ayaa iyadoo taasi laga duulayo waxaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed mudadii uu xilka hayay fagaara badan uu ka sheegay in Boliisku uu u baahanyahay in ay ka mid noqdaan arday wax baratay oo suura galisay in ay soo codsadaan ku biirista ciidanka arday ka kala baxay dugsiyada sare kaddib markii warbaahinta ay ka maqleen Ogeysiiska la xiriira ka mid noqoshada ardaydaasi.

Waxaana ardaydii soo codsaday in ay ku biiraan Hooyada Ciidanka Soomaaliyeed ee Boliiska ay u fariisteen imtixaanaadka lagu kala xulayo codsadayaasha, waxaana Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu maanta booqday halka imtixaanka ay ku galayeen ardayda, taasi oo uu ugu kuur galayay sida imtixaanka uu u socda.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa la hadlay ardayda imtixaanka u fadhiyay, isagoo u sharaxay muhiimada ay leedahay in ay ku soo biiraan arday wax baratay oo uu ku sifeeyay in muhiim ay tahay in la helo ardaydii beri badali laheyd Saraakiisha Boliiska ee Shaqeynaya, waxaana uu u sheegay in ay gali doonaan tababaro dalka dibadiisa iyo gudihiisa ah, waxaana uu u rajeeyay in uu ku guuleeyo hamigooda.

“Waxaa tihiin arday maskax fiyow waa muhiim in aad ku soo biirtaan ciidanka oo aad noqotaan kuwii hogaamin lahaa maxaa yeelay aniga iyo saraakiisha shaqeysa waa ka tageynaa shaqada marka haddii aan la helin arday wax baratay oo ka baxay jaamacado iyo dugsiyo sare ciidanka beri yaa horumarinaya maxaa yeelay ciidanka waa xaaqin waligiisa waa jiraa laakiin anaga shaki kuma jiro in aan baxeyno oo aad hogaamin doontaan ciidanka kheyr iyo horumar balaaran ayaan idiin rajeynaya” Sidaasi Waxaa Yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sii hadlay ayaa kula dardaarmay ardayda in ay ku qancaan natiijada Imtixaanka intii la xushana ay yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo ciidanka ku biirtay inta kalana aan laga maarmi doonin balse loo qaadan doono tababaro dalka gudihiisa lagu siin doono.

IMG_0813

20150612_092042_resized 20150612_092234_resized 20150612_092244_resized 20150612_092252_resized 20150612_092405_resized 20150612_092412_resized 20150612_092913_resized 20150612_095030_resized 20150612_095039_resized  20150612_103049_resized   IMG_0872 IMG_0873 IMG_0874

Previous Post

Kulan Looga Xaqjirnimada Iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Oo Nairobi Lagu Qabtay

Next Post

Dhageyso Warka Habeennmo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennmo Ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In