Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope oo shahaadooyin la gudoonsiiyay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Hope oo shahaadooyin la gudoonsiiyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardaydan oo tiro ahaan ku dhowaa 300 ayaa kala ahaa Bachelor-ka iyo Master degree ayaa ka qalin jabiyay Jaamacada Hope oo kaashanaysa  jaamacadda Kampala, ayaa maanta xafladii loo qabtay waxaa ka qeybgalay  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka jaamacadda iyo ardayda xafladda loo qabtay.

Madaxa jaamacadda Hope ee magaalada Muqdish, Maxamed Sheekh C/raxmaan (Badri) ayaa faahfaahinaya qeybaha ardaydan ay ka kooban yihiin.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha akadeemiyadda fanka iyo suugaanta, Dr Cismaan  Yuusuf Maxamed Jirfe oo kamid ahaa mas’uuliyiintii xafladda lagu casuumay ayaa ardayda Soomaaliyeed ku booriyay in ay ku dadaalaan cilmi baarista..

”Ku dadaala taariikhda iyo cilmi baarista markii ay dowladda dhacaysay dadka archeologist ahaa afar kali ah ayay ahaayeen halka dalalka dariskeena ah ay boqolaal iyo kunanaan ay ku xisaabtamaan” ayuu yiri Dr Cismaan.

Prof. Najiib Sheekh C/kariim, oo ah guddoomiyaha guud ee jaamacadda Hope ayaa ardayda u sheegay in uu wadanka xil weyn uu ka saaran yahay sidaa darteedna looga baahan yahay in ay ku fikiraan horumarkiisa.

“ Adinkoo og in dhinacna idin fiyoobeen ilaa intii ay dowladdu burburtay ileen dowladu hal maalin a dhicinee maalinba waxbaa dumayay, in ummaddaan dulaal iyo malaal carab iyo ajami aynan u kala eexan laakiinse aan wali noolnahay walina aan ordayno” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Najiib.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa xafladda ka sheegay in dhalinyarada ay u istaagaan samatabixinta dalka maadaama ay yihiin mustaqbalka wadanka.

“Soomaaliya population ay tahay waa garanaysaa 10 -12 milyan kheyraadka ay leedahayana Afrika inta ka bato ayaa meelo kale la siin geyn karaa, waxa idin sheegayaa cilmi baare Swedish ah 2000 ayuu qorey article uu leeyahay Soomaaliya 20 sano ee socota waxaa ay noqon karta dalka ugu visaha qaalisan aduunka” ayuu yiri  Geedi.01 02 03 05 06 08 0555 2222 4477 22226 33333 IMG_1596 IMG_1614 IMG_1650 mataan sccc

Gabagebadii mas’uuliyiintii xafladda ka soo qeybgalay ayaa shahadooyin ku gudoonsiiyay ardaydii maanta xafladda qalin jabinta loo qabtay.

 

 

Previous Post

Maamulaha xarunta agoonta Boondheere oo hambalyo diirran u diray shacabka iyo madaxweynaha Jabuuti+”Daawo Heeso”

Next Post

Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Next Post
Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Xasan Xanafi oo la toogtay SAWIRO

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In