Bandhig dhaqameed ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Hay’adaha İHH&YÜDER ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Wadanka Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Eskişehir ayaa lagu qabtay dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Eskişehir oo ah magaalada Saddexaad ahna caasimadda dhaqanka ee dalka Turkiga.
Bandhigan oo ay ka qeyb galeen arday ka kala socotay 80-dowladood ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan baaarlamaanka Turkiga, mas’uuliyiin ka socotay xisbiga talada dalkaasi haya ee AK Part iyo marti sharaf kale.
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta wadanka Turkiga ayaa bandhiga ku soo bandhigay dhaqanka, cuntada nuucyadeeda kala duwan ee ay Soomaalida isticmaalaan, iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ah, taasi oo si weyn u soo jiidatay dhamaan intii munaasabadda ka qeyb gashay oo u riyaaqay qaab ciyaareedka ardayda Soomaaliyeed ee dhanka dhaqanka ku aadan.
Madaxdii bandhig dhaqameedka ka qeyb galay ayaa tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ay kaalinta koowaad ka galeen munaasabadda, waxaana ay ku bogaadiyeen inay xoojiyaan dhaqanka Soomaaliyeed.
Barnaamijkaan bandhig dhaqameedka ah oo wadanka Turkigu ku caan baxay sanadihii u dambeeyay ayaa waxa uu sidoo kale ka dhacay ilaa iyo 35 magaalo oo kamid ah dalka Turkiga, kuwaasi oo ay hormuud ka ahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga wax ka barata.
Photo by : Abdulkadir Sheik Nor Afey( Adaawe )