Ardayda Afrikaanka ee ku xayirmay cudurka Corona virus ee ka dillaacay magalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa dalbaday in loo fidiyo codsi caawimaad oo dib logu celinaayo dalalka Afrika ee ay ka soo kala jeedaan.
Thomas Kanzira oo ah 25-sano jir ka soo jeeda dalka Yugaadha, isla markaana ka mid ah kumanaan arday ee wax ku barta ama ku nool magaalada Wuhan ayaa codsaday in dowladaha Afrika ay halkasi ka qataan muwaadiniinta ka jooga magaaladaasi.
Qaar ka mid ah ardaydaasi ayaa dalbaday in loo soo diro diyaarado, si ay uga badbaadaan cudurka Coronavirus ee u sii fidaya sida xowliga ah.
Maaalada Wuhan oo dhacda bartamaha dalka Shiinaha waxaa ku nool illaa 11-milyan oo qof, waxaana hadda tirada u dhimatay cudurka Coronavirus lagu waramay in ay gaareyso illaa shan boqol oo ruux