Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Jaamacada SIU oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ardayda Jaamacada SIU oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda SIU oo ay soo qaban qaabiyeen Midowga Ardayda Jaamacadda ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka sare ee Jaamacadda, macalimiin, abwaanno, arday iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Munaasabadan soo dhawaynta ah oo ay ka hadleen xubno sare oo ka tirsan maamulka iyo macalimiinta Jaamacada SIU oo ay ka mid ahaayeen Madaxa maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda mudane Maxamed Yuusuf Sheekh Cumar, madax xafiiska waxbarashada Jaamacadda mudane cabinafi Macalin Maxamuud, madax xafiiska arrimaha bulshada mudane Axmed Cabdihaadi Cabdullahi madaxa kuliyada ingineeriyada Sheekh Axmed Fu’ad Ismaaciil iyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda mudane Cabdirxmaan Maxamed Fantastic.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Dhamaan xubnihii hadaly ayaa guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda u rajeeyay in eebe u fududeeyo shaqooyinka cusub ee horyaalla, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in si kal iyo laab ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda SIU Mudane Maxamed Cali Ismaaciil (Dacwa) oo gabagabdii xaflada ka hadalay ayaa maamulka iyo ardayda uga mahadceliyay dad’daalka ay ugu jiraan horumurka Jaamacadda, waxa uuna balan qaaday in uu dadaalka sii labo jibaari doono kana shaqayn doono tayaynta tacliinta, cadaaladda, howl karnimo iyo hufnaan kuwadi doono dhamaan shaqooyinka horyaala

Isbadalka maamulka Jaamacada SIU ayaa waxuu yimid kadib markii guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Prof Yaxye Cali Ibraahim 15-kii bisha sideedaad loo magacaabay xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuunmadda Soomaaliya.

 

DSC08619 DSC08621 DSC08623 DSC08626 DSC08630 DSC08634 DSC08637 DSC08638 DSC08639 DSC08651 DSC08660 DSC08666 DSC08677 DSC08686 DSC08687 DSC08688 DSC08690 DSC08691 DSC08692 DSC08694 DSC08696 DSC08698 DSC08700 DSC08701 DSC08705 DSC08725 DSC08730 DSC08738 DSC08741 DSC08747 DSC08752 DSC08753 DSC08754 DSC08762

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo furay shir looga hadlayo sameynta Maxkamadda dastuuriga

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiye Jawaari oo furay shir looga hadlayo sameynta Maxkamadda dastuuriga

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In