Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aqoon kororsi u tegay Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ardayda Kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aqoon kororsi u tegay Madaxtooyada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay booqasho aqoon kororsi ah arday ka tirsan Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ku jira sannadkii u dambeeyay ee waxbarashadooda heerka koowaad ee Jaamacadda.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Mudane Maxamuud Bashiir Jaamac iyo Madaxa Xiriirka Warbaahinta Mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black ayaa ardayda ku soo dhoweeyay Madaxtooyada Qaranka, gaar ahaan qaybta ay ku shaqeyso Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026

Agaasime Ku-xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada ayaa soo dhoweyn kaddib ardayda la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada Waaxda Warfaafinta iyo qaybaha ay ka kooban tahay, waxa uuna xusay muhiimadda ay ardayda barata saxaafadda u leedahay in ay fahan buuxa ka helaan habka ay u shaqeeyaan hay’adaha Warfaafineed ee Dowladda.

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta oo door siiyay Ardayda ayaa ballan qaaday in Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranku uu diyaarin doono qorshe isugu jira tababar la siiyo ardayda si looga caawiyo in ay aqoontooda ficil u beddelaan iyo sidii hay’adaha dowladdu uga faa’iideysan lahaayeen. Waxa uuna kula dardaarmay ardayda in ay ka dhabeeyaan hammiga ay u hayaan horumarinta dalkooda.

Dhankooda, Ardayda Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda oo kulanka ka hadlay ayaa Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada u sharraxay heerarka ay soo mareen iyo sida ay uga go’antahay in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan dalkooda, waxa ayna masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Maamulka Jaamacadda Ummadda uga mahadceliyeen in ay sannad iyo barkii u dambeeyay fursad u siiyeen in ay tababar shaqo ka helaan Warbaahinta Qaranka.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 21 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

James Swan iyo Wasiirka Haweenka oo kulan wada yeeshay

Next Post
James Swan iyo Wasiirka Haweenka oo kulan wada yeeshay

James Swan iyo Wasiirka Haweenka oo kulan wada yeeshay

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In