Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo hoggaan cusub dooratay -“Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo hoggaan cusub dooratay -“Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa habeenkii isniinta lasoo dhaafey oo ku beegnayd 24-ka August doorasho si heer sare loo soo agaasimay ka dhacday magaalada Kuala Lumpur ee caasimada dalka Malaysia oo lagu soo dooranayay hogaan cusub u yeesho Ururka ardayda Soomaaliyeed marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SSM.

Doorashadan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga doorashada ee Ururka ayaa waxaa ku tartamayay labo musharax oo kala ahaa; Maxamed C/raxmaan Ismaaciil (Timo) iyo Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (British).

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026

Ardayda kasoo qaybgashay doorashada ee codkooda dhiibanayay ayaa ka kala yimid Jaamacaddaha dalkan, waxaana ay tiradoodu kor u dhaafayeen 400 oo aad u xiiseynayay in ay ka qayb qaataan doorashada Ururka.

Masuuliyinta kasoo qaybgashey Xafladda waxaa kamid ahaa; Siihayaha Safiirka Safaaradda ahna Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia mudane Jibriil Sheikh Cismaan, Xogheyaha Koowaad ee Safaaradda Marwo Qamar Maxamed Ibraahim, Gudoonka Jaaliyada Soomalida ee dalka Malaysia oo kala ah Gudoomiyaha Jaaliyada mudane Maxamed Cabdi Isxaaq iyo Kuxigeenkiisa Cabdicasiis Bandiirad , iyo mid kamid ah Bareyaasha Jaamacaddaha Malaysia Proffessor Najiib iyo martisharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadlay Gudoomiyaha kumeel gaarka ee guddiga doorashada Maxamed Xuseen oo ku booriyay ardayda kasoo qaybgalayaasha inay si hufan codkooda u dhiibtaan, isagoo sharaxaad ka bixiyey xeerarka doorashada.

Sidoo kale waxaa isaguna xaflada khudbad qiimo badan ka jeediyay xubin kamid ah guddiga doorashada Ciise Maxamed Cali isagoo ka warbixiyay howshii adkayd ee usoo dhabar adeegeen si ay ardayda Soomaaliyeed u hesho nidaam iyo in la doorto hogaanka cusub ee ururka.

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee ururka ardayda Soomaaliyeed Mowliid Cabdi Xuseen oo goobta ka hadley ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxqabadkoodii inta ay xilka hayeen.

Gudoomiyihii hore ee ururka ardayda iyo Jaaliyada Puntland mudane C/kariim Cismaan Ciise ayaa ku booriyay jaaliyada inay gacanta is qabsadaan.

Khudbadaha kadib ayaa la guda galay codeynta, waxaana codeynta kadib guddiga doorashada ku dhawaaqeen natiijada markii la tiriyey codadka, iyadoo Musharax Maxamed C/raxmaan Ismaaciil (Timo) uu helay 229 cod halka musharaxa kale ee la tartamayay C/risaaq Maxamed Maxamuud (British) uu helay 168 cod, waxaana halkaas ku guuleystay Gudoomiyaha cusub ee ururka ardayda Maxamed C/raxman Ismaciil (Timo) oo xilka haynaya mudo sanad ah.

Natiijada doorashada kadib waxaa ka hadlay xafladda Xogheyaha koowaad ee Safaaradda Marwo Qamar Maxamed Ibraahim oo mahadcelin balaaran ujeedisay guddiga doorashada howsha wanaagsan ay qabteen, waxayna ka codsatay ardeyda in ay la shaqeeyaan hogaanka cusub.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Isxaaq oo isna Hadley ayaa u hambalyeeyay guddiga cusub, wuxuuna ballan qaadey in ay wada shaqeyn doonaan Jaaliyadda iyo Ururka ardeyda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xirey Kusimaha Safiirka ahna Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia Jibriil Sheikh Cismaan oo ka Hadley kaalinta ay leeyihiin ardeyda Soomaaliyeed kuna booriyey in ay xooga saaraan waxbarashada, wuxuuna soo dhoweeyay doorashada Gudoomiyaha cusub  isla markaana ballan qaadey in ay Safaaradda ay la shaqeyn doonto.

11903469_10206064056372760_563349651_n 11903577_10206064029492088_2048829986_n 11903598_10206064056292758_109490482_n 11909611_10206064055732744_1235401837_n 11910660_10206064029372085_76029569_n 11911101_10206064055612741_362832049_n 11911125_10206064087773545_813828100_n 11913023_10206064029292083_245040431_n 11920375_10206064040092353_1480157915_n 11923407_10206064058532814_1284384544_n 11926454_10206064029612091_1426858491_n 11938774_10206064055572740_2104891853_n 11940150_10206064029332084_1617459261_n 11944674_10206064056452762_1902271837_n 11948089_10206064029652092_1590364733_n 11949521_10206064029772095_260806312_n 11949815_10206064020211856_316522589_n

 

Ciise Maxamed Cali

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhameystirka waddada halbowlaha u ah Buuhoodle oo laga shiray

Next Post
Dhameystirka waddada halbowlaha u ah Buuhoodle oo laga shiray

Dhameystirka waddada halbowlaha u ah Buuhoodle oo laga shiray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In