Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardey Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho la gudoonsiiyay gobolka Ohio-Sawirro

caqiil by caqiil
July 12, 2016
in Wararka
0
Ardey Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho la gudoonsiiyay gobolka Ohio-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 7 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed iyo Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr. Abdinur Sh. Mohamed.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Waxaa goobta ka hadlay madaxda dowladda hoose, gobolka iyo heer qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska duqa magaalada iyo jaaliyadaha dalka ku cusub.

Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo. Khadra Maxamed oo madax ka ah ururka haweenka Soomaaliyeed ee Ohio iyo weliba isutagga ururrada Afrika ee Ohio ayaa u mahadcelisay waaliddiinta una hambalyaysay ardada.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan sanadwalba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay 13 Arday oo kala ahaa lix wiil iyo toddobo gabdhood. 12 ka mid ah waxaa la guddoonsiiyay deeqo waxbarasho oo qaab bakhtiyaa nasiib ah lagu xulay halka hal gabar ay ku guulaysatay abaalmarin ka sareeysa mida ardayda kale la gudoonsiiyay, gabadhaas oo ku soo baxday ardaygii ugu sareeyay sanadkan dhanka waxbarashada, waana Amal Cabdi.

Amal Cabdi waxa ay ka soo baxday  Dugsiga: Westland High School, waxaa oggolaansho iyo deeq waxbarasho siiyay in ka badan 10 jaamacadood oo ay ka mid yihiin jaamacadaha heerka sare ee “Ivy Leage” sida Harvard, Yale, Dartmouth, Columbia iyo Cornell. Amal xagaagan ayay billaabaysaa jaamacadda Harvard University.

Waxaa iyana deeqo waxbarasho helay Ardayda kala ah

  1. Omar Ibrahim, Pickerington High School
  2. Maryan Liban, Columbus Alternative High School
  3. Abdigani Ahmed, Dublin Coffman High School
  4. Ali Osman, Westerville South High School
  5. Khalid Mohamed, Metro Early College High School
  6. Habibo Barre, Westerville North High School
  7. Abdikarim Mohamud, Gahanna Lincoln High School
  8. Safiyo Mohamud, Columbus Alternative High School
  9. Ahmed Yacoob, Central Crossing High School
  10. Ridwaan Mohamed Koriyow, Westerville North High School
  11. Firdowsa Hashi, Horizon Science Academy
  12. Nimo Suleyman, Westerville South High School

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle, Columbus Zoo, United Way, MAS, Twinkle Star, Enhanced, Khadra, Soofe, Abdinur, SomaliCAN, SSA, OSU Somali Studies Program.

Barnaamijka qalinjebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada.

Xafladda qalinjebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan ardada ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2016.

IMG_0479 IMG_0537 IMG_0545 IMG_6325 IMG_6390 IMG_6409 IMG_6412 IMG_6421 IMG_6423 IMG_6429 IMG_6435 IMG_6440 IMG_6448 IMG_6461 IMG_6480 IMG_6508 IMG_6519 IMG_6525 IMG_6550 IMG_6625 IMG_6674 IMG_6682 IMG_6691 IMG_6717 IMG_6764 IMG_6773 IMG_6791 IMG_6814 IMG_6832 IMG_6881 IMG_6886 IMG_6891 IMG_6896 IMG_6958 IMG_7013 IMG_7030 IMG_7031 IMG_7113

W/D: Deeqa sonna

 

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Waxbarasahda Xukuumadda Soomaaliya oo kormeeray goobaha lagu Saxayo Imtixaanka Dugisyada Sare

Next Post
Wasiirka Waxbarasahda Xukuumadda Soomaaliya oo kormeeray goobaha lagu Saxayo Imtixaanka Dugisyada Sare

Wasiirka Waxbarasahda Xukuumadda Soomaaliya oo kormeeray goobaha lagu Saxayo Imtixaanka Dugisyada Sare

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In