Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagaxisada Al-shabaab oo Af-duubay Gabar Lix sano jir ah

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Argagaxisada Al-shabaab oo Af-duubay Gabar Lix sano jir ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dabayaaqadii Todobaadkan ku Af-duubtay degaanka Xarboole ee Gobolka Gedo Gabar Lix  Sana jir ah,sida ay Arbacadii daabacday Jariiradda The Star ee kasoo baxda Dalka Kenya.

Xubno Qoyska ka mid ah oo aad ugu cayasan falkan  ayaa sheegay in xagjiriinta ay Guriga yimaaddeen ayna dalbadeen Gabadha, taasoo ahayd Dadka jirkoodu yahay Albinism.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Aabbaha dhalay Gabadha oo lagu magacaabo C/casiis Weli ayaa sheegay inay Malleeshiyadu u yimmaaddeen Saq dhexe, iyagoo dalbaday in la tuso halka ay Inanta yari jiifto, waxanay ku tuureen Gaadhi ay wateen.

“Afduubayaashu waxay Guriga soo galeen Saq dhexe Habeennimo, waxayna dalbanayeen in la tuso halka ay Gabadhu jiifatay, waxay ka soo qaateen sariirteeda oo waxay ku dhex rideen Gaari,” ayuu yiri Aabaheed Cabdicasiis Weli.

Weli ayaa tirada Ragga usoo dhacay tiradooda ku sheegay Shan, kuwaasoo dhammaantood ku hadlayay Af-Soomaali, isagoo intaa raaciyay ineysan wax xatooyo ah ama baarasho kale u geysan Guriga marka laga reebo Gabadha yar ee ay qaateen.

Inta badan Af-duubyadii ay horay u geysan jireen Al-Shabaab ayaa ku salaysnaa Wiilal Dhallin-yaro ah oo ay ku qasbaan in ay ku biiraan xagjiriinta una dagaallamaan, iyagoo mararka qaarkood qafaasha Gabdhaha da’da yar iyo Haweenka si ay ugu shaqaystaan, balse falkan ayaa ah mid ku cusub Dhegaha Bulshada Soomaaliyeed.

Sheekh Mustafa Cali, oo ka mid ah Culimada degaanka ay dhibaatadan ka dhacday ayaa sheegay in tani ay ahayd markii ugu horreeysay ee ay arkaan Af-duub loo geysto Ilmo yar.

In kastoo ay tani tahay dhacdo ku cusub Soomaaliya , haddana waxaa jira dilal iyo ugaarsi ka dhan ah Dadka midabka Cas ee Albinism-ka loo yaqaanno qaybo ka mida ah Bariga Afrika, waxaana Dalka Tanzania ka dhaca Kiisas badan aarintani la xiriira.

Ugaarsiga iyo dilka Dadka Midabka Cas ee Albinism-ka loo yaqaan ayaa ah qurraafaad laga soo min guuriyay Dad cawaan ah, kuwaas oo aaminsan in Hilibka Dadkaasi lagu helo dhaqaala badan ama lagu helo nasiib badan.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya Magaca Diinta Islaamka.

Sidoo kale Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar, oo ah Xarunta Diimeed ka ugu caansan Caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay fatwo iftiimineysa sida argagixisada Al-shabaab ay u baal marsanyihiin Diinta Islaamka, kuwaas oo caadeystay daadinta Dhiigga Muslimiinta iyo ku been abuurashada Diinteenna suubban.

Previous Post

Daawo sawirada Beero ku yaalo Baydhabo

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golahaas +Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golahaas +Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golahaas +Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In