Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagaxisada oo Rucbi Alle ku riday (warbixin)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Argagaxisada oo Rucbi Alle ku riday (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa bilaabay inay ku sugnaan waayaan Saldhiyada ay ku leeyihiin qaar ka mid ah deegaanada ay ku sugan yihiin, taasina waxay ka dambeysay kadib markii Duqeymo isku xig-xiga lagula beegsaday goobo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka iyo waliba weerarro dhulka ah, Wararka ugu dambeeyay ee kala cadarkooda ayaa waxa uu naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab ay isaga carareen goobahaasi, kadib Diyaarado Joog hoose ku socda oo Howgalo ka fulinaya deegaanadaasi.

Dadka Deegaanku waxay sheegayaan in Deegaannada Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooleey iyo Ceel-qooxle oo Dhanka Koofur-bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ay Dadka Deegaanka ay diyaarado ku socda jooga hoose ay Shacabka arkayaan, iyagoo ay muuqdaan Ciidamada saaran waxayna Mararka qaar ku soo dhowaanayaan Dhulka, waxaana lagu soo waramayaa in Maleeshiyaadka Al-shabaab oo deeganaadaasi ku dhuumaaleysanayay ay isaga baxeen, iyagoo ka cabsi qaba inay duqeeyaan diyaaradaha ay leeyihiin Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya oo qeyb ka ah Howlgalada lagu dabar jarayo Argagaxisada baneysatay dhiigga Shacabka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dadka rayidka ayaa sheegaya in baqdinta Al shabaab ay gaartay inay ku amraan Shacabka in aysan u soo dhawaan Saldhigyada ay kaga sugnaayeen deegaanadaasi, iyagoona hore Bulshada kaga mamnuucay Isticmaalka Taleefoonada Smartphones-ka ah, arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay Duqeymo ku laayeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna bilaabeen Nabad diidka inay ka baxaan Tuulooyinka Shacabku ku badan yihiin, kuwaasoo Howdka ku cararaya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa shalay sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka saareen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoona xusay in Ciidamo badan Tababaro loo soo gaba gabeeyay isla markaana la qalabeeyay ayna diyaar u yihiin inay Dalka ka xureeyaan Argagaxisada nooc walba ay leedahay.

Dhinaca kale Ciidamada la magac baxay Macawiisleyda oo iskood iskugu abaabulay inay la dagaalamaan Argagaxisada ayaa Weerar ku qaaday Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha dhexe, Muxudiin Nuur oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Ciidamada Macawiisleyda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Maleeshiyadda Al shabaab ka dileen 10-Dhagar qabe oo ay ku jiraan Horjoogihii Al shabaab ee Deegaanka Guulane iyo Horjoogihii u qaabilsanaa Boobka iyo Dhaca Shacabka oo ay ugu yeeraan Madaxa Canshuraha.

“Annagoo Sodon ka badneyn ayaan weerar ku qaadnay deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, dagaal culus ayaan la galnay Argagaxisada, Maleshiyaad badan ayay u wacdeen laakiin waan jabinay waxaan ka dilnay 10 Dhagar qabe oo ay ku jireen Labo Horjooge oo mid ka mid ah uu ahaa Horjoogihii deegaanka halka kan kale uu Canshuurta u qaabilsanaa Maleeshiyada”.ayuu yiri Muxudiin Nuur.

Muxudiin ayaa sheegay in Abaabulka dagaalkan ay sababtay ka dib markii Al shabaab ay dadka rayidka ka barakiciyeen deegaankaasi isla markaana ay burburiyeen Goobihii lagu baranayay Diinta Islaamka, Dhac iyo Dil ay u geysteen Shacabka Xoolo dhaqatada ah, iyagoo sidoo kale isku dayay inay xoog kaga qaataan caruurtooda oo ay doonayaan inay u adeegsadaan daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa fahmay Dhagarta Aragagaxisada Al shabaab, iyadoo deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ay dadka deegaanka ka dhiidhiyeen Falalka guracan ee Nabad diidka iyagoona balanqaaday inta qof ka nool yahay inay la dagaalamayaan Dhagar qabayaasha Al shabaab, arrimahaan oo dhan ayaa ku kalifaya Kooxaha argagaixisada ah in ay si wacan u ladi waayaan, islamarkaana uu Rucbi Alle ku riday iyo argagax iyo waliba kala firdhad.

Previous Post

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Next Post

Security forces arrest Al-Shabaab militant

Next Post
Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Security forces arrest Al-Shabaab militant

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In