Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagaxisada oo Rucbi Alle ku riday (warbixin)

admin by admin
December 4, 2018
in Wararka
0
Argagaxisada oo Rucbi Alle ku riday (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa bilaabay inay ku sugnaan waayaan Saldhiyada ay ku leeyihiin qaar ka mid ah deegaanada ay ku sugan yihiin, taasina waxay ka dambeysay kadib markii Duqeymo isku xig-xiga lagula beegsaday goobo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka iyo waliba weerarro dhulka ah, Wararka ugu dambeeyay ee kala cadarkooda ayaa waxa uu naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab ay isaga carareen goobahaasi, kadib Diyaarado Joog hoose ku socda oo Howgalo ka fulinaya deegaanadaasi.

Dadka Deegaanku waxay sheegayaan in Deegaannada Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooleey iyo Ceel-qooxle oo Dhanka Koofur-bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ay Dadka Deegaanka ay diyaarado ku socda jooga hoose ay Shacabka arkayaan, iyagoo ay muuqdaan Ciidamada saaran waxayna Mararka qaar ku soo dhowaanayaan Dhulka, waxaana lagu soo waramayaa in Maleeshiyaadka Al-shabaab oo deeganaadaasi ku dhuumaaleysanayay ay isaga baxeen, iyagoo ka cabsi qaba inay duqeeyaan diyaaradaha ay leeyihiin Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya oo qeyb ka ah Howlgalada lagu dabar jarayo Argagaxisada baneysatay dhiigga Shacabka.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Dadka rayidka ayaa sheegaya in baqdinta Al shabaab ay gaartay inay ku amraan Shacabka in aysan u soo dhawaan Saldhigyada ay kaga sugnaayeen deegaanadaasi, iyagoona hore Bulshada kaga mamnuucay Isticmaalka Taleefoonada Smartphones-ka ah, arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay Duqeymo ku laayeen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna bilaabeen Nabad diidka inay ka baxaan Tuulooyinka Shacabku ku badan yihiin, kuwaasoo Howdka ku cararaya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa shalay sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka saareen Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoona xusay in Ciidamo badan Tababaro loo soo gaba gabeeyay isla markaana la qalabeeyay ayna diyaar u yihiin inay Dalka ka xureeyaan Argagaxisada nooc walba ay leedahay.

Dhinaca kale Ciidamada la magac baxay Macawiisleyda oo iskood iskugu abaabulay inay la dagaalamaan Argagaxisada ayaa Weerar ku qaaday Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha dhexe, Muxudiin Nuur oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Ciidamada Macawiisleyda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Maleeshiyadda Al shabaab ka dileen 10-Dhagar qabe oo ay ku jiraan Horjoogihii Al shabaab ee Deegaanka Guulane iyo Horjoogihii u qaabilsanaa Boobka iyo Dhaca Shacabka oo ay ugu yeeraan Madaxa Canshuraha.

“Annagoo Sodon ka badneyn ayaan weerar ku qaadnay deegaanka Guulane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, dagaal culus ayaan la galnay Argagaxisada, Maleshiyaad badan ayay u wacdeen laakiin waan jabinay waxaan ka dilnay 10 Dhagar qabe oo ay ku jireen Labo Horjooge oo mid ka mid ah uu ahaa Horjoogihii deegaanka halka kan kale uu Canshuurta u qaabilsanaa Maleeshiyada”.ayuu yiri Muxudiin Nuur.

Muxudiin ayaa sheegay in Abaabulka dagaalkan ay sababtay ka dib markii Al shabaab ay dadka rayidka ka barakiciyeen deegaankaasi isla markaana ay burburiyeen Goobihii lagu baranayay Diinta Islaamka, Dhac iyo Dil ay u geysteen Shacabka Xoolo dhaqatada ah, iyagoo sidoo kale isku dayay inay xoog kaga qaataan caruurtooda oo ay doonayaan inay u adeegsadaan daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa fahmay Dhagarta Aragagaxisada Al shabaab, iyadoo deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ay dadka deegaanka ka dhiidhiyeen Falalka guracan ee Nabad diidka iyagoona balanqaaday inta qof ka nool yahay inay la dagaalamayaan Dhagar qabayaasha Al shabaab, arrimahaan oo dhan ayaa ku kalifaya Kooxaha argagaixisada ah in ay si wacan u ladi waayaan, islamarkaana uu Rucbi Alle ku riday iyo argagax iyo waliba kala firdhad.

Previous Post

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Next Post

Security forces arrest Al-Shabaab militant

Next Post
Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada oo maleegayay Qaraxyo

Security forces arrest Al-Shabaab militant

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In