Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Argagixisada Al-Shabaab oo Shacabka ku cadaadinaya iney bixiyaan Lacago aysan awoodin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dadka deegaanada ay gacanta ku hayaan ku qasbay iney bixiyaan midkood lacag ama xoolaha nool ee ay dhaqdaan sida Lo’da,ariga iyo Geella inta lagu guda jiro bisha Muharam oo ah bisha koowaad ee sanadkan cusub ee Islaamka,taasi oo ay ugu yeereen Zakawaad Balse ah mid baad ah.

Ku dhowaad 700-Qof oo isugu jira rag iyo dumar , kuwaasi oo u muuqday inay ka caga jiideen u hogaansamida amarka Argagixisada ee bixinta lacagaha iyo Xoolaha nool, ayaa lagu xiray degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe,labadii todobadii ee ugu horeeyay Bisha,Muharam.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Qiyaastii 700 oo qof, raga iyo dumar oo ay ku jiraan qoyskayga iyo qaraabbadeyda ayaa lagu xiray magaalada Jilib, oo qiyaastii 380 Km dhinaca koonfureed kaga beegan Muqdisho horaantii bishan, ka dib markii ay su’aal ka keeneen qadarka lacagta ay ku soo rogeen Al-Shabaab. Waxaan maqlay in dadkani intooda badan la sii daayay, inkastoo ay aqbaleen dalabka “, ayuu sheegay nin la hadlay SONNA oo xaalad amni magaciisa loo sheegin.

Qof ka mid ah deegaanka oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka Soomaliyeed ee SONNA in uu xabsiga magaalada Jilib uu ku jiray saddexdii cisho ee ugu dambeeysay, isaga oo sheegay in dad kale ay dammaanad qaadeen sii deyntiisa.

“Xag-jiriinta al-Shabaab waxa ay igu amreen inaan bixiyo 200 oo doollar Maraykanka ah waxaana u sheegay inaan awoodi karin lacagtaasi, sababtoo ah waxaan ahay beeraleey dagaal ugu jira sidii uu ku soo saaran lahaa rootigiisa maalinlaha,kadibna waxay i dhigeen xabsi saddex cisho aan ku xirnaa,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Argagixisada Al-Shabaab ay u sheegaan dadka deegaanka  in ay doonayaan in ay lacagtan baadda ah Dugsiyo kaga dhisaan halkaasi

SONNA  oo wareysi la yeelatay qof saddexaad, oo ka soo jeeda magaalada Saakow ee ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay weydiisteen inuu bixiyo 100 doolar oo ay ugu sheegeen in lagu dhisayo Dugsi.

“Al-Shabaab waxay dadka ka qaadayaan inta u dhaxaysa 100 illaa 400 oo doollar oo qof kasta ah, waxay qaataan baad iyo dalabyo kale oo degdeg ah oo laga qaadayo Qoys kasta iyo shaqsi intaba, ha ahaado ganacsade, beeraley ama shaqo la’aan intaba, waana waajib” ayuu yiri.

Dadka deegaanka ayaa intaasi ku daray in Maleeshiyada Al-Shabaab ay Dugsiyada gobollo kala duwan ka afduubtaan ardayda hibada sare ama wax soo saarka Eebe u siiyay si ay u baraan ama uga dhaadhiciyaan aragtidooda ku saleysan Argagixisinimada.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa dadka ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si xoog ah kaga uruursada  Xoolaha nool ee ay dhaqdaan sida Lo’da,Geela iyo ariga,waliba waxay si gaar ah u bartilmaameedsadaan xoolaha buur buuran ama Suuq-geynta ku haboon.

Laakiin tallaabadan ayaa ka careysiisay dadka Xoolaha dhaqatada ah ee ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,kuwaasi oo isku abaabulay si isaga dul qaadaan gumeysiga iyo dhagarta maleeshiyada Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Previous Post

R/wasaare Kheyre oo Maamulka Bangiga Dhexe Iyo Wasiirka Maaliyadda Kala Hadlay Dardar-gelinta Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Hannaanka Maaliyadda+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In