Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Askar iyo Saraakiil Katirsan Danab Oo Loo Carbiyay Qorsheynta Xeeladaha Dagaalka

admin by admin
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Askar iyo Saraakiil Katirsan Danab Oo Loo Carbiyay Qorsheynta Xeeladaha Dagaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

FAALLO:-Xilli Galab Casir bilicsan 5-ta Maarso, 2020-ka, ayay kumaandooska Soomaaliya ee Danab u dabbaaldegeen qalinjabinta tiro ka badan 80, kuwaa oo ka tirsan xoogagga dagaalyahannada.

Askartaan iyo Saraakiisha da’da yar oo leh xirfado iyo xeelado dagaal gaardis  ku mareen barxadda gaaddisocodka, iyaga oo uu qab iyo diyaar garoow buuxa ka muuqdo, taasoo ka dhigan horukaca ku socda aqoonta iyo awoodda xirfadeed ee Ciidanka Danab.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026

Kumaandooskan cusub ayaa buuxinaya dowrka qorsheynta hawlgallada, tababarrada, iyo khibradda saadka (logistics) ee guutada iyo istaafka gaaska Danab.

Sida lagu yaqaano urur walba oo xirfad ku dhisan,  hawlgal walba oo la fulinayo waxaa muhiim u ah qorshaynta, haqabtirka iyo sii odorisidda waxyaalaha imaan kara. Unugyada Danab waxaa talo siiya Ciidamada Gaarka ee Mareykanka oo looga dambeeyo qorsheynta iyo isu-diburidka.

Dowladda Soomaaliya iyada oo garab ka helaysa saaxiibkeeda ugu dhaw ee Mareykanka ayay qaadeysaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ay dhidibbada ugu aasayso nabadda, ammaanka iyo barwaaqo ay helaan muwaadiniinta sharafta leh ee Soomaaliyeed.

Unugyadan cusub ee kumaandooska Soomaaliya ee kusoo biiray ciidanka ayaa ka shaqeyn doona xarunta dhexe ee ciidanka, iyaga oo bixin doona khibradaha uu u baahddo taliskoodu. Khibradaha ay soo biirin doonaan waxaa ka mid ah qorshaynta, haqabtirka, odorosidda iyo fududeynta tababarrada ku aaddan kala firdhinta awoodaha (cadowga), weecinta, iyo jabinta cadowga ee leh heer walba ee qaybaha meletariga oo ay ku jirto lafaguridda (taxliilinta) dacaayadda cadowga, diridda farriimaha iyo shaacintooda, iyo iska caabbinta wararka kooxaha argagaxisada iyo cid kasta oo cadow ku ah Qaranka.

Tan waxay aad uga duwantahay falalka ay ku kacaan fulayada Alshabaab, Danab waa hoggaan aammin ah oo hawlahooda lagula xisaabtamo,  islamarkaana shacabka Soomaaliyeed gaarsiiya macluumaadkooda.

Xirfaddan dheeriga ah ee ay kasbadeen ciidanka Danab ayaa u oggolaanaysa in ay si weyn ugu guuleystaan hawlgalladooda  ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Alqaacida, gaar ahaan Hawlgalladii dhawaa, sida kii Ceel Saliini oo koox ilaa 30 Al-Shabaab ahi isku dayeen in ay cagta mariyaan xerada ciidanka.

Raggan iyo dumarkan ciidanka ah ayaa xoojinaya jiilka soo koroaya si ay Soomaaliya uga ciribtiraanaan dhagarta Al-Shabaab, islamarkaana u soo celiyaan nabaddii iyo ammaankii waqti dheer ay sugayeen dadka Soomaaliyeed oo ah mid ay xaq u leeyihiin.

W/Q: Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta

Mud: Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange)

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadallo labo geesood ah kula yeeshay Nairobi dhiggiisa Kenya “SAWIRRO”

Next Post

MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”

Next Post
MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”

MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Cirka ugu hambalyeeyay sanad-guuradoodii 66-aad ee aasaaskooda

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO():-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM , oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashadii Qof iyo Codka ee ka dhacday...

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KOONFUR AFRIKA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In