Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askar loo soo xiray dilkii loo geystay gabar ardayad ah “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Askar loo soo xiray dilkii loo geystay gabar ardayad ah “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in gacanta ay kusoo dhigeen Afar qof oo u eedeysan dilka Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad sagaalsano jir ah, islamarkaana dhiganeysay Iskuulka Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Taliyaha ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaan ku eedeysan dilka Deeqo baaris lagu sameynayo si Maxkamad loo soo taago, lagana abaal marin doono dambiga ay geeysteen, isaggoo carabaabay in marnaba aysan oggolaan doonin in lagu xad gudbo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa sidoo kale sheegay inay dhammaatay in shacabka la dilo, lagana cararo, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda ay ku hubsan doonaan eedeesanayaashan.

“Shalay maanta maahan, Waxbaan dilayaa waan cararayaa ma soconeyso, waxaan soo qabanay Afar qof oo ku eedeysan dambigaasi, waxaana dooneynaa in aan maxkamad hortaagno, marnaba uma dulqaadaneyno in qori lagu gaday canshuurta Shacabka lagu laayo Ummadda Soomaaliyeed, Insha allah kuwii falkaan geeystay waa laga jeeseynayaa  dambiga ay galeyn” ayuu yiri Gen. Bashiir

Halkan ka dhageyso shirka Jaraa’id oo dhameystiran.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/09/TALIYA-CIIDANKA-BOOLISKA-.mp3
Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabo gabeeyay dooddi ku saabsaneyd Amniga Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Saakow: Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa xasuuqii loo geystay Al-Shabaab “Dhageyso”

Next Post
Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen

Saakow: Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa xasuuqii loo geystay Al-Shabaab "Dhageyso"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In