Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Saakow: Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa xasuuqii loo geystay Al-Shabaab “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Nabad diidka Al-Shabaab oo Degmada Xarar-dheere ku xiray Waxgarad kasoo horjeestay amarro ay soo saareen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa loogu geystay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu xasuuqay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisad Al-Shabaab.

 

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026

Duqaynta  oo dhacday fiidnimadii xalay ayaa waxaa  bartilmaameed  ku ahaa goob  machad ah  oo  ay  dhagarqabayaasha Al-Shabaab ku marin habaabin jiren carruurta ay xoogga ku askareynayaan .

Xiliga  ay duqaynta  dhacaysay  waxaa  goobta ku  sugnaa  Afhayeenka  maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab  iyo  Xasan  Yacquub oo ka mid ah   horjoogeyaasha kooxda.Al-shabaab, kaasi oo dhaawac halis ah ka gaartay duqeynta.

Taliya Ururka 49 aad guutada 10 aad  Qaybta 43 aad ee Ciidanka Xoogga dalka Faarax Maxamed Turbac ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkii xalay lagu dilay in ka badan 30 isugu jirta Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa goobta ay carruurta ku marin habaabinayeen.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar geliyay duqeymaha iyo weerarrada lagula beegsanayo argagixisada Al-Shabaab goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Taliyaha-ururka-49-aad-guutada-10-aad-Qaybta-43-aad-Faarax-maxamad-turbac-.mp3
Previous Post

Askar loo soo xiray dilkii loo geystay gabar ardayad ah “Dhageyso”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ku howlan sidii ay ula wareegi lahayd Isbitaalladii danta guud

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ku howlan sidii ay ula wareegi lahayd Isbitaalladii danta guud

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ku howlan sidii ay ula wareegi lahayd Isbitaalladii danta guud

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In