Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askari dhac geystay oo ay Maxkamadda Ciidamada xukuntay.

admin by admin
October 8, 2018
in Wararka, Xulashada
0
Askari dhac geystay oo ay Maxkamadda Ciidamada xukuntay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho- Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha  degmada Hodan  xilli uu dhac u  geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa  u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay  gudoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen  17-kii  bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta  weydiistay  Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay   soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane  Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay  dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhacca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa  u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhacca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba  galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta  ayaa sidoo kale  soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xiidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo  xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi    sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan  dhaca dadweynaha.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo  uu ku dalbnan karo rafcaan.

Previous Post

Kulan lagu dhiira gelinaayo ololaha Shacabka isu xilqaamay la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay.

Next Post

Cameroon:tirinta codadka doorashooyinka madaxtinimo oo la bilaabay

Next Post
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda oo Xilkii kala wareegay Mudane Cabdulaahi Ilkajiir.

Cameroon:tirinta codadka doorashooyinka madaxtinimo oo la bilaabay

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In