Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askari ka tirsan Booliiska oo lagu xukumay dil toogasho ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Askari ka tirsan Booliiska oo lagu xukumay dil toogasho ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo horaantii bishan magaalada Muqdisho ku dilay wiil wade ka ahaa mooto bajaaj.

Maxkamaddu:

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Markay Aragtay : Aayadda 178aad ee suuratul Baqara iyo Qod. 434,440 XCS oo lala akhriyo Qod. 195bis, 194 XCCQS.

Markay Aragtay : Qiraalka Eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed oo uu ka hor cadeeyay garsoorka hortiisa in   Marxuumka oo mooto Bajaaj wado uu ka soo gudbay  kontaroolka baarista  sidaasna uu ku istaajiyay, kadibna uu ku amray in uu dhiibo furaha mootada oo uu wadaha ka ahaa Marxuumka  marki uu ka diidayna uu isagoo ku cabsiinaayo qorayga uu hal xabad madaxa kaga dhuftay , isla xabidiina ay dhaawac u gaysatay qof kale.

Markay Dhagaysatay : Markhaatiyaashii la horkeenay maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay arkayeen marxuumka oo ka gudbaya kontaroolka kadibna uu istaajiyay eedaysanaha muran kadibna ay xabad ka dhacday qorayga uu watay eedaysanaha madaxana kaga dhacday marxuumka ,isla-markaana dhaawac u gaysatay qof kale oo shacab ah.

Markay Dhagaysatay :  Gaba-gabada Gungaarka baarista Boliiska oo uu Baaraha Gal dacwadeedka ku cadeeyay in eedaysane   Cali Max’ud Axmed  uu si bareer u dilay marxuum C/risaaq Yuusuf Guure, dhaawacna u gaystay dhibane Cali Xaashi Mataan.

Markay Aragtay : Cadaymaha Dambi Muujinta ah oo la horkeenay  oo ay ka mid ahaayeen :- Cadaymaha laga qoray Maragga iyo dhibanaha dhaawaca ah, qiraalka laga qoray eedaysanaha,   warqadda cadaynta dhimashada iyo sawirada marxuumka, mootadii uu wadaha ka ahaa marxuuumka, qorayga uu dilka ku gaystay eedaysanaha oo noociisu ahaa AK-103 No. 08096.

Markay Dhagaysatay : Doodii u dhaxaysay dhinacyada kala ah xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay  eedaysanaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Cali Maxamud Axmed in dil bareer ah 8-dii bishan igoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ugu gaystay Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade mooto bajaaj halka uu dhaawacay nin kale oo sarifle ahaa.

Xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay marqaatiyaal iyo cadeemo ku aadan dilkaasi iyo sidoo kale hubkii uu dilku u adeegsaday askariga.

Sidaas Darteed, maxkamadda  waxaa u caddaatay in eedaysane D/le Bol. 25226 Cali Max’ud Axmed uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay waxayna Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha K/Afrika

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo saaratay Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo saaratay Habraaca guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In