Xaafadda Cali Kamiin ee degmada Warta ee gobolka banaadir Xalay waxaa ka dhacay fal naxdin leh Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Nuuraay dhegojuun ayaa ku dilay lix qof oo dhammaan ah familkiisa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix kale oo isla familka kadib markii uu ku qarxiyay Bob gacmeed.
Dadka ku dhintay ย waxaana ka mid ahaa hooyada ย dhashay iyo wiil yar uu isag dhalay sidoo kale isaga laf ahaantiisa waxa uu ka mid yahay lixda ruux ee dhawaaca uu soo gaaray.
Maamulka degmada warta nabadda oo aan xiiiri la sameynay waxa ay inoo sheegeen in dhaawacyada la geeyay mid ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.
Sida la sheegay falkaan ayaa yimid kadib markii awiilka mid ahย familkiisa isku dayeen inuu ka qaado qori uu watay markii uu arkeen inuu ย isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya taasina ay ka dhalatay inuu ku qarxiyo bab gacmeed uu ku hubeysnaa.
Arrintaan ayaa waxa ay fal amakaak iyo fajac ku noqotay dadka ku nool caasimada iyadoo muddooyinka ay dalka kusoo kordhayeen dhacdooyinka laga argagaxo gaar ahaan dadka ehelka ee isdilaya sida wiil iyo waalid ,nin iyo xaskiisa iyo falalkale oo ka m id ah dadka isxigta ah.