Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex qof oo labo askar yihiin ayaa dhimatay ka dib markii madaafiic lagu weeraray saldhig Mareykanka iyo xulafadiisu ku leeyihiin waqooyiga magaalada Baghdad, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

“Waxaa si dhow ula soconaa xaaladda saldhiga Taji,” ayuu yiri sarkaal Amerikaan ah. “Ma doonayo in aan ka hor dhaco baaritaanada socda.”

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegtay in dadka weerarka lagu dilay ay kala yihiin labo askari oo u kala dhashay Britain iyo Mareykanka iyo qandaraasle Amerikaan ah.

Weerarkan gentaal ayaa noqonaya kii 22 aad oo danaha Mareykanka lagu beegsado tan iyo bishii October, sida uu sheegay taliye Ciraaqi ah.

Colonel Myles Caggins, oo ah afhayeenka ciidanka Mareykanka ee dalka Ciraaq ayaa qoraal Twitter soo dhigay ku sheegay in 15 gentaal oo yaryar ku soo dhaceen saldhigga, laakiin faah faahin intaas ka badan ma uusan bixinin.

Saraakiil Amerikaan ah oo magacood qariyay oo la hadlay wakaaladda AP ayaa sheegay in faah faahinta weerarkan goor dhow shaacin doonaan.

Sidoo kal, xoghayeyaasha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo dhigiisa Britain Dominic Raab ayaa wacad ku maray in lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay weerarkan.

Ka dib wadahadal telefoonka ah oo ay wada yeesheen ayay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay in kuwii mas’uulka ka ahaa lala xisaabtamo, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda.

Saldhigga Taji, oo ku yaala waqooyiga Baghdad,  waxaa muddo sanado ah uu ahaa xero tababar. Ilaa 6,000 askari oo Mareykanka ah ayaana degan, saldhiga waxaa tababar iyo la talin ku aadan la dagaalanka argagaxisada lagu siiyaa ciidanka Ciraaq.

Weerar gentaalo ah oo horey loola beegsaday askarta Mareykanka iyo xarumo diplomaasiyadeed ayaa waxaa ku dhintay qandaraasle Mareykanka ah iyo askari Ciraaqi ah, mana jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradan, laakiin Washington waxay ku eedeysay maleeshiyaad Iran taabacsan.

Labo maalin ka dib dhimashada qof Amerikaan ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday saldhiga magaalada Kirkuk Mareykanku ku leeyihiin, dhamaadii sanadkii hore, Mareykanku waxaa ay weerareen shan goobood oo ku kala yaala Ciraaq iyo Suuriya halkaas oo fadhiisan u ah kooxda Kataaib Xezbulah. Kooxda Kataib Hezbollah ayaa Mareykanku liiska argagaxisada ku daray 2009.

Xiisadda Washington iyo Tehran ayaa kor u kacday markii drone Mareykanku leeyahay lagu dilay taliye Irani ah oo awood badan Qassim Suleimani oo ahaa taliyihii guutada Qudus ee ilaalada kacaanka Iran iyo Abu Mahdi al-Muhandis, oo madaxa u ahaa kooxda Kataib Hezbollah, dilkaas oo 3 Janaayo ka dhacay Baghdad. Dilka saraakiishaas ayaa keenay in labada dal ku sigtaan isku dhac toos ah uu dhex mara.

Waxaa xigay in baarlamaanka Ciraaq u codeeyaan in dhammaan ciidanka ajnabiga ah oo Mareykanku kamid yahay ka baxaan dalka Ciraaq, laakiin go’aankaas wali xukuumadda Ciraaq ma fulinin.

ISHA: ALJAZEERA

Previous Post

MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”

Next Post

Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis Is-afgarad ah wada saxiixday

Next Post
Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis Is-afgarad ah wada saxiixday

Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis Is-afgarad ah wada saxiixday

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In