Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
7 years ago
in Wararka
0
Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex qof oo labo askar yihiin ayaa dhimatay ka dib markii madaafiic lagu weeraray saldhig Mareykanka iyo xulafadiisu ku leeyihiin waqooyiga magaalada Baghdad, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

“Waxaa si dhow ula soconaa xaaladda saldhiga Taji,” ayuu yiri sarkaal Amerikaan ah. “Ma doonayo in aan ka hor dhaco baaritaanada socda.”

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegtay in dadka weerarka lagu dilay ay kala yihiin labo askari oo u kala dhashay Britain iyo Mareykanka iyo qandaraasle Amerikaan ah.

Weerarkan gentaal ayaa noqonaya kii 22 aad oo danaha Mareykanka lagu beegsado tan iyo bishii October, sida uu sheegay taliye Ciraaqi ah.

Colonel Myles Caggins, oo ah afhayeenka ciidanka Mareykanka ee dalka Ciraaq ayaa qoraal Twitter soo dhigay ku sheegay in 15 gentaal oo yaryar ku soo dhaceen saldhigga, laakiin faah faahin intaas ka badan ma uusan bixinin.

Saraakiil Amerikaan ah oo magacood qariyay oo la hadlay wakaaladda AP ayaa sheegay in faah faahinta weerarkan goor dhow shaacin doonaan.

Sidoo kal, xoghayeyaasha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo dhigiisa Britain Dominic Raab ayaa wacad ku maray in lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay weerarkan.

Ka dib wadahadal telefoonka ah oo ay wada yeesheen ayay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay in kuwii mas’uulka ka ahaa lala xisaabtamo, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda.

Saldhigga Taji, oo ku yaala waqooyiga Baghdad,  waxaa muddo sanado ah uu ahaa xero tababar. Ilaa 6,000 askari oo Mareykanka ah ayaana degan, saldhiga waxaa tababar iyo la talin ku aadan la dagaalanka argagaxisada lagu siiyaa ciidanka Ciraaq.

Weerar gentaalo ah oo horey loola beegsaday askarta Mareykanka iyo xarumo diplomaasiyadeed ayaa waxaa ku dhintay qandaraasle Mareykanka ah iyo askari Ciraaqi ah, mana jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradan, laakiin Washington waxay ku eedeysay maleeshiyaad Iran taabacsan.

Labo maalin ka dib dhimashada qof Amerikaan ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday saldhiga magaalada Kirkuk Mareykanku ku leeyihiin, dhamaadii sanadkii hore, Mareykanku waxaa ay weerareen shan goobood oo ku kala yaala Ciraaq iyo Suuriya halkaas oo fadhiisan u ah kooxda Kataaib Xezbulah. Kooxda Kataib Hezbollah ayaa Mareykanku liiska argagaxisada ku daray 2009.

Xiisadda Washington iyo Tehran ayaa kor u kacday markii drone Mareykanku leeyahay lagu dilay taliye Irani ah oo awood badan Qassim Suleimani oo ahaa taliyihii guutada Qudus ee ilaalada kacaanka Iran iyo Abu Mahdi al-Muhandis, oo madaxa u ahaa kooxda Kataib Hezbollah, dilkaas oo 3 Janaayo ka dhacay Baghdad. Dilka saraakiishaas ayaa keenay in labada dal ku sigtaan isku dhac toos ah uu dhex mara.

Waxaa xigay in baarlamaanka Ciraaq u codeeyaan in dhammaan ciidanka ajnabiga ah oo Mareykanku kamid yahay ka baxaan dalka Ciraaq, laakiin go’aankaas wali xukuumadda Ciraaq ma fulinin.

ISHA: ALJAZEERA

Previous Post

MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”

Next Post

Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis Is-afgarad ah wada saxiixday

Next Post
Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis Is-afgarad ah wada saxiixday

Wasiirada Waxbarashada Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis Is-afgarad ah wada saxiixday

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In