Derek Chauvin oo ka tirsanaa Booliska Mareykanka ayaa lagu xukumay 22 sannadood iyo Lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu soo eedeeyay dambi ah in uu dilay Nin madaw ah oo la oran jiray George Floyd, dilkasi oo dhacay bishii May ee sannnadkii hore.
Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalkan uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ku dhaw 10 daqiiqadood.
Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda cafis ka dalbaday.
Dacwad oogaha ayaa dalbaday in Derek lagu xukumo 30 sannadood oo xabsi ah.
Dhanka kale qareenka qoyska Floyd Ben Camp ayaa xukunka ku tilmamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ku aaddan xal u helidda midab takoorka ka jira gudaha Mareykanka.
Dilkiisii ayaa waxa uu horseeday dibad-baxyo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan dunida.
Qoyska uu ka dhashay Floyd Ben Camp iyo taageerayaashiisa ayaa soo dhaaweeyay xukunka lagu riday Derek Chauvin oo ah Askariga dilka geystay.