Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AUN:Tariikhda Danjire Ciise Dheere oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
AUN:Tariikhda Danjire Ciise Dheere oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marxuum Ciise Dheere waxa uu ku dhashay Muqdisho 1942, waxaana  sanadkii 1965 ka qalinjebiyay Machadka Diiniga Alazhar ee Muqdisho, isla waqtigaasi waxa uu ku biirray Machadka Tababarka Macallimiinta, isagoo sanadkii 1968 shaqa macallinimo ka helay Wasaaradda Waxbarashada.

Ambassador Isse Ali Mohamed (Isse Dhere), waxa uu noqday Agaasimaha Naadiga Macallimiinta, sidoo kale Agaasimaha Barbaarinta iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Tacliinta sare xilligii Dowladdii Milatariga.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Marxuumka oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole 1974 ayaa xilal kala duwan ka qabtay dalka, isagoo noqday Madaxa Tababarka Ceel Jaalle, si la mid ah Madaxa Wargeyska Codka Macallinka, waxa uu sanadkii 1986 xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horreeyay ee Dowladdii Milatariga ee Kacaankii 21 Oktoobar ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Jaalle , Maxamed Siyaad Barre.

Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa safiir ka noqday dalka Tunisia sanadkii 1985 , isagoo sidoo kale ahaa Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya ee xarunta Jaamacadda Carabta oo xilligaasi ahayd caasimadda Tuunis.

Waxa uu sanadkii 1987 noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq.

Waxa uu sanadkii 2002 noqday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti oo muddo bilooyin kooban uu ka shaqaynayay, balse cimillada kulul ee dalkaasi ayuu u adkeysan-kari waayay, kana cudurdaartay inuu muddo xileedka loo igmaday shaqada uu dhammaystirto.

Marxuumka ayaa sanadihii 2009 illaa iyo 2016 ka ahaa Madaxtooyada Qaranka “Villa Somalia” Lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadda, isagoo la soo shaqeeyay Madaxweyihii Federaalka KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Allah u naxariistee Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ka mid ahaa tan iyo 2013 Guddi sare oo lataliyeyaal ah oo Wasaaraddu leedahay oo ka talo-bixiya Siyaasadda Dibadda, dib u habaynta Wasaaradda iyo xal u helidda dacwooyinka Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud.

Danjire Ciise Dheere oo ahaa bare sare, xeeldheere si mug leh u yiqiinnay Afka Carabiga, diblomaasi sare iyo qoraa xirfad yaqaan ah ayaa ku tilmaannaa dhowrsanaan adinkiisa iyo afkiisa laga nabad galay, dadka iyo dalkana jeclaa ayaa muddo bil ku dhow ku xanuunsanayay Caasimadda Muqdisho ugu dambeyne shalay ayuu ku geeriooday Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) oo ahaa Lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo aroornimadii hore ee saaka oo Talaado ahayd, taariikhduna ku beegnayd 16 June, 2020 ku geeriyooday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Inaalilaah waa inaa ileyhi Raajucuun.

Tags: AUN Tariikhdii Danjire Ciise Dheere oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Previous Post

Guddoomiyahah golaha shacabka oo oo ka tacsiyadeeyay geerida danjire Ciise Dheere

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In