Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baaq loo diray Ahlusunna waljamaaca

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Baaq loo diray Ahlusunna waljamaaca
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururada Haweenka Gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe ayaa Baaq u diray Maamulka Culimada Ahlusunna waljamaaca kaas oo ku aadan in dib xuriyadooda loo siiyo wariyaasha wali u xiran Maamulkas.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka shabellaha dhexe Sacdiyo Maxamed Nuur oo  la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Sheegtay in ay ahayd Ahlusunna inay ka fiirsato kahor inta aysan xarig ama Hanjabaad ugaysan wariyaasha,  iyadoo si shuruud la,aan ah ugu baaqday Maamulka Ahlusunna inay ku Siidaayaan wariyaasha Maalintii labaad gacanta ugu jira.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“ wa inay sii daayaan wariyaasha Ahlusunna waqti lays mucaarado ama lays faquuqo lagu ma jiro, Umadda Soomaliyeed waxaan leeyahay Aan iskaashanno “ Ayey tiri Guddoomiye Sacdiyo Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka banaadir jabaahir Baarqab ayaa iyana farriin baaq ah u dirtay Ahlusunna waljamaaca kaas oo ku Aadan in dib xoriyaddooda loo siiyo wariyaasha u xiran maamulka culimada Ahlusunna kuwaas oo ay ku haystaan inay ku qasbaan awamiir ay iyagu soo saareen dhawaan jawaahir ayaa tiri

“ waxaan ka Codsanaynaa Ahlusunna  in ay soo daayaan wariyaasha Xiran, Wixii Siyaasad ah Bannaanka ayay ka yihiin Wariyaasha, Saxafigu Xushmad Buu Rabaa Waa midka isku xira dalka iyo dibadda, Saxafigu waxa uu u baahan yahay Naxariis, Wuxuu ku shaqeeyaa Duruufo adag” Ayey Sheegtay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir jawaahir Baarqab.

Muddo labo Maalin ah ayey si xushmad darro ah ugu xiran yihiin Maamulka Ahlusunna waljamaaca Wariyaal gaaraya 5 wariye oo si qasab ah maamulkaas uu doonayo inuu uga dhaadhiciyo Fikradda ay Ahlusunna doonayso inay ku shaqayso ama jeceshahay taas oo ka madax bannan Xoriyadda hadalka.

 

 

 

Previous Post

Haweenka oo isku Diyaarinaya Hiigsiga Cusub ee Sanadka 2016’ka

Next Post

Wasiirka warfafinta” maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiirka warfafinta" maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof gudanaya waajibkiisa Shaqo"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In