Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qurba joogta Soomaaliyeed oo loogu baaqey in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka iyo taageerada ciidanka Qaranka+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Qurba joogta Soomaaliyeed oo loogu baaqey in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka iyo taageerada ciidanka Qaranka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar kamid ah salaadiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool qurbaha ayaa wada dadaalo qurba joogta Soomaaliyeed loogu wacyigelinayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkoodi hoyo,iyadoo la fulinayo baaqyada madaxda dowladda Soomaaliya ee ah in qurba joogtu ay muujiyaan dowrkoodi horumarineed ee Dalka.

Related posts

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Qurbaha kunool ayaa sheegay in qaar kamid ah magaalooyinka wadamada Yurub oo ay Soomaalidu kunool yihiin ay kulamo kaladuwan kula qaateen Soomaalida,isago ujeedka ku tilmaamay mid looga wacyigelinayo kaalintoodi ku aadan dib u dhiska dalka iyo taakulaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Isagoo ku sugan magaalada Viena ee caasimadda Dalka Austria ayuu warbaahinta qaranka uga waramay dadaalkodi wacyigelineed.

“Aad baan ugu mahadcelinaynaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool qaaradad Yurub sida wadanka Swedan oo ay kunool yihiin Soomaalida ugu badan,sidoo kale Ingiriiska Norway iyo meelo kale,waxay ay naga balanqaadeen in dalkoodi ay ku soo laabanayaan oo ay dhismihiisa ka qeyb qaadanayaan,sidoo kale waxaan ku boorinay in ciidamada Qaranka la taageero dhaqaale ay iska soo ururiyaan,runtii aad ayaay u soo dhaweeyeen dhamaantooda,hadad waxaan joognaa Dalka Austria”.Ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu Suldaanka uu intaasi ku daray in ay si gaar ah ula hadleen aqoonyahanada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo xilalka kaladuwan ka haaya wadamada Yurub,isagoo xusay in ay soo dhaweeyeen qorshahaasi wacyigelinta ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeyeey waxaa ay dadaal xoogan ugu jireen sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkoodi hooyo,iyadoo haatan ay jiraan in dalka ay ka hirgeliyeen barnaamijyo ganacsi oo shaqo abuur ah,taasi oo kutimid markii hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ay xoojiyeen sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka.

Previous Post

Ciidanka Amniga oo Gacanta ku soo dhigay Labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab.

Next Post

Dawlada Australia oo yeelatay Ra’iisulwasaare cusub

Next Post
Dawlada Australia oo yeelatay  Ra’iisulwasaare cusub

Dawlada Australia oo yeelatay Ra’iisulwasaare cusub

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In