Wednesday, October 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baaqa laga soo saaray Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Muqdisho ku soo xirmay +Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Baaqa laga soo saaray Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Muqdisho ku soo xirmay +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Lataliyaha arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warfidiyeenka u aqriyay baaqii laga soo saaray shirka oo u qornaa sida tan:-

BAAQA SHIRKA

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025

Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo ay soo wada qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee matalaya dadka Naafada ah, Haweenka, dadka Matalaada Siyaasadeed aan lahayn iyo Barakacayaasha.

Ka qayb galayaasha ayaa ka kala yimid dawlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir waxayna ku kulmeen Hotel SYL taariikhda 25ka – 27ka Nofeember 2018, Muqdishu – Soomaaliya.

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha Xuquuqda Aadanaha.

  • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda arrimaha Xuquuqda Aadanaha;
  • Iyadoo ujeeddadu tahay in si daacad ah la isula meel dhigayo wax ka qabashada arrimaha Xuquuqda Aadanaha;
  • Iyadoo ay ka go’antahay labada Wasaaradood in ay tixgeliyaan talooyinka iyo natiijoyyinka kasoo baxay shirka;
  • Iyadoo la tixgelinayo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Ujeedooyinka Shirka:

Shirka wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

  1. Sugidda xuquuqda dadka naafada ah ee cutubka 2aad iyo dhaqan galinta Sharciyada Caalamiga ah ee dadka naafada ah;
  2. Iswaafajinta tabashada Dadka aan matalaada siyaasadeed lahayn iyo Dastuurka;
  3. Isu-Dheelitirka ragga iyo dumarka iyo matalaada siyaasadeed ee dumarka iyo Istiraatiijiyada lagu gaari karo dheelitir;
  4. Sugidda xuquuqda dadka barakacayaasha; Shirka wuxuu isla aqoonsaday mabaadi’da soo socota:
  5. Lahaanshaha Dastuurka:Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah habka dawladnimada Soomaaliya.
  6. Xuquuq: Dastuurku waa kan ilaalinaya xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed astaynayana waajibaadka muwaadinka.
  7. U-wada-dhammaansho: Dastuurku waa in uu noqdaa mid ay kawada qayb-qaataan bulshada Soomaaliyeed laguna ilaaliyo u-dhammaanshaha matalaadda siyaasadeed iyo tan maamul iyada oo si gaar ah loo tixgelinayo dadka xuquuqdoonka ah sida dadka Naafada ah, Haweenka, Carruurta, Barakacaayasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed lahayn.

Haddaba, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda iyo mabaadi’da kor ku xusan, waxaa shirka ka soo baxay taalooyinka iyo baaqa hoos ku xusan:

  1. Shirka wuxuu ku amaanayaa dowladda Federaalka ah sida ay uga go’antahay ilaalinta Xuquuda Aadanaha, wuxuuna ku boorinayaa dowladda inay dardargeliso siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira sugidda Xuquuqda iyo Karaamada Aadanaha sida ku xusan Qodobka Tobonaad ee Dastuurka KMG ah.
  2. Shirku wuxuu ku boorinyaa Dowladda Federaalka inay dardargeliso dhameystirka Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, sida uu farayo Qodobka 111B ee Dastuurka KMG ah.
  3. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dardargeliyo dhismaha Xafiiska Gardoonka Dadweynaha, Sida ku cad Qodobka 111J ee Dastuurka KMG ah, si xal loogu helo cabashooyoinka dadka aan Matalaada Siyaasadeed Lahayn, dadka Naafada ah, Haweenka, Barakacayaasha, iyo dhamaan dadka Xuquuqdoonka.
  4. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka inay Dastuurka ku sugaan qodobo tilmaamaya xuquuqda dadka Naafada ah islamarkaana siinaya takoor quman (Positive Discrimination), sida ku xusan Qodobka 11aad Farqadiisa 4aad ee Dastuurka KMG ah.
  5. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Dowladda inay la timaado qorshayaal iyo siyaasado cad-cad oo fududeynaya in ay dadka naafada ah ay Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ahba ka helaan xuquuqaha iyo adeegyada ay ula simanyihiin dadka kale sida shaqada, waxbarashada, caafimaadka iyo fududeeynta isu-socodka.
  6. Shirku waxa uu ku baqayaa in la ciribtiro caadooyinka iyo dhaqamada ku saleysan hoos u dhigidda haweenka.
  7. Shirku waxa uu ku baqayaa in Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ay Dastuurka ku sugaan qoondada haweenka ee boqolkiiba soddonka ee matalaadda siyaasadeed, mataladda xafiisyada loo tartamo iyo kuwa la isku magacaabo.
  8. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Barlamaanka JFS ansixinta Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga kaasoo horyaalla Golaha Shacabka.
  9. Shirku waxuu isla qaatay in shirkan oo kale uu noqdo mid sanadle ah si la isaga xog-wareysto waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin.
  10. Shirku waxa uu Xukuumadda ugu baqayaa in ay sharci u badesho ayna dhaqangeliso Xeerkii Kampala ee Barakacayaasha oo ay saxiixday Dowladii Ku-meel-gaarka sanadkii 2011ka.
  11. Shirku waxa uu ku bogaadinayaa Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka saxiixitaankii Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda dadka Naafada ah, kaasoo Wasiiradu ku saxiiday magaalada New York, 2 Octoobar 2018; Shirku waxuu kaloo ku bogaadinayaa Wasaarrada dedaalkii dheeraa ay u gashay in Soomaaliya ay markii ugu horeysay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Bogaadin:

Shirka Dastuurka ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa wadashaqeynta labada Wasaaradood.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka Dastuurka ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha waxay xaqiijiyeen ka go’naashaha ka qayb qaadashada Dib-u-eegista Dastuurka iyo ku ilaalinta Dastuurka xuquuqda bulsho weynta Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Shaqaalaha guddiga dastuurka oo siminaar loo furey +Sawirro

Next Post

Madaxweyne Trump oo ku hanjabay in uu baajinayo kulan uu la lahaa Putin

Next Post
Madaxweyne Trump oo ku hanjabay in uu baajinayo kulan uu la lahaa Putin

Madaxweyne Trump oo ku hanjabay in uu baajinayo kulan uu la lahaa Putin

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

October 22, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi ka kooban Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In