Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Warbixin:-Bil kadib Qaraxii Zoope, Maxay Bulshadu ka baratay ?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xiriirta dib-u-eegista dastuurka KMG oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga La Socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, haweenka xubnaha ka ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo haweenka bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxay ku kulmeen Hotel SYL muddadii u dhaxeysay 22ka – 24ka Oktoobar 2019, Muqdishu – Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;

  • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda arrimaha xuquuqda haweenka;
  • Iyadoo ujeeddadu tahay in si cad ah la isula meel dhigayo wax ka qabashada arrimaha haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;
  • Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-Socodka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegista dastuurka in ay tixgeliyaan talooyinka iyo natiijoyyinka ka soo baxa shirka;
  • Iyadoo la tixgelinayo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhamaystirka dastuurka iyo doorka haweenka Soomaaliyeed;

Ujeeddooyinka Shirka:

Shirka wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

  1. Sidee loo Horumarin karaa haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda iyadoo lala eegayo cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad Farqadiisa 5aad.
  2. Xoojinta ka-qeybgalka haweenka iyo wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka.
  3. Qeexida xuquuqda haweenka iyo in ay helaan cadaalad sharci ku dhisan.
  4. Helidda fikir mideysan oo taabagal ah si rasmi ahna loogu gudbiyo hay’adaha ay quseyso.

Shirka wuxuu isla aqoonsaday mabaadi’da soo socota:

  1. Lahaanshaha Dastuurka: Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah habka dawladnimada Soomaaliya.
  2. Xuquuq: Dastuurku waa kan ilaalinaya xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed astaynayana waajibaadka muwaadinka.
  3. U-wada-dhammaansho: Dastuurku waa in uu noqdaa mid ay kawada qayb-qaataan bulshada Soomaaliyeed laguna ilaaliyo u-dhammaanshaha matalaadda siyaasadeed iyo tan maamul matalaadda haweenka ugu yaraan 30%.

Haddaba, iyadoo la eegayo muhiimadda iyo mabaadi’da kor ku xusan, waxaa shirka ka soo baxay talooyinka iyo baaqa hoos ku xusan:

  1. Shirka wuxuu ku amaanayaa Dowladda Federaalka sida ay uga go’antahay ilaalinta xuquuqda haweenka, wuxuuna ku boorinayaa dowladda inay dardargeliso siyaasadaha iyo shuruucda la xidhiidha sugidda xuquuqda iyo karaamada aadanaha sida ku xusan Qodobka tobonaad ee Dastuurka KMG ah.
  2. Waa in lagu caddeeyaa dastuurka KMG qodobada ka hadlaya xuquuqda haweenka iyo doorkooda ka qayb galka siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada.
  3. Haweenka waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’addaha guud ee qaranka, ugu yaraan 30% gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa laysku magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada Madaxabannaan ee Qaranka, sida uu tilmaamayo dastuurka Cutubka 1aad, Qodobka 3aad Farqadiisa 5aad.
  4. Waa in la dhiso Guddi Haween ee dabagal ku sameeya geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.
  5. Waa in haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ay hubiyaan xeerarka, dabagalaana dhammaan xilalka la magacaabayo ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed.
  6. Haweenku waa in ay si mug leh oo muuqata uga mid noqdaan arrimaha u baahan qodobada wada xaajoodka siyaasadeed ee dastuurka KMG ah, sida arrimaha masiiriga ah ee Hannanka Cadaaladda, Maqaamka Caasimadda, Amniga, Awood Qaybsiga, Khayraad Wadaaga, Nooca Doorashooyinka, Nooca Dowladda iyo Hannaanka Maaliyadda.
  7. Ugu dambeyn, haweenka Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan wada hadal iyo in loo midoobo danta Diinta, Dadka iyo Dalka si loo gaaro xasilooni iyo dowladnimo waarta.

Bogaadin:

Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka waxay xaqiijiyeen ka go’naashaha ka qaybqaadashada dib-u-eegista dastuurka iyo ilaalinta dhamaystirka dastuurka ee arrimaha la xiiriira xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

Previous Post

Dad ka barakacay fatahaado ka dhashay roob ka da’ay Degmada Bardaale “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada "SAWIRRO"

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In