Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baardheere: Wasiirka Waxbarashada oo dhagax dhigay Machadka Tabbabarka Macalimiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Baardheere: Wasiirka Waxbarashada oo dhagax dhigay Machadka Tabbabarka Macalimiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu dhagax dhigay degmada Baardheere ee Gobalka Gedo machadka tabbabarka macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa safarkiisa uu ku tegay Degmada Baardheere  waxaa ku wehliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabir] Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026

Dhagax dhiga machadka laga hirgalinayo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi ka socda Wasaaradaha waxbarashada Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Wasiirka Waxbarashada Jubalaand ayaa soo dhaweyay machadka tabbabarka ee laga dhisayo degmada Baardheere ee Gobalka Gedo waxa uuna sheegay in ay tahay talaabo horay looqaaday, waxa uuna ka codsaday Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya in Wasaaraddu ka caawiso dhismaha iskuullada.

Wasiiru doowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa waxa sheegay in horumarka Waxbarashada ay tahay talabaada koobaad ee qofkasta oo Soomaali ah looga baahan yahay isla markaan machadkaani la hirgelinayo Degmada Baardheere uu yahay mid ay ka soo bixi doonan macallimiin tayo leh.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay dhagax dhiga machadka tabbabarka macallimiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in bahda Waxbarashada muhiimad gaar ah uu u leeyahay machadkaan.

“Waxaan maanta aniga wafdigii ila socdayba aan u nimid Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, anagoo isigu jirno Wasaaradii Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  iyo Deeq bixiyaasha qaarkood muhiimada koobaad ayaa aheyd in aan u kuur galno arrimaha Waxbarashada iyo bahda Waxbarashada reer Baardheere waxaan si gaar ah ugu nimid in aan dhagax dhigno machad soo saari doono macallimiinta dugsiga Hoose Dhexe ee labada maamul Gobaleed  ee Jubalaand iyo koonfur Galbeed ,Wasaaradda Waxbarashada Jubbalaand oo ugu horeyo Wasiirka Waxbarashada Jubbalaand, isla markaana nagu marti geliyay maanta Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, waxaana ku heshiinay oo aan rabaa in ay ogadaan bushada reer Baardheere in dugsi ku yaalo degmada Baardheere ay dowladdii hore u laheyd oo dayacan, isla markaan bur bur xoogana ka muuqdo in aan dayac tirno hadii aan nahay Wasaaraddii Waxbarashada ee heer Federaal, Wasaaradda Waxbarashada Jubbalaand iyo Guddoomiyaha Gobalka Gedo iyo Guddoomiyahii degmada Baaardheere, iyagana waxa ay balan qaadeen  in ay keenaan macallimiin aqoon sare leh oo aan aheyn kuwo maalina yimaado, maalina gooya oo aan carruurta Soomaaliyeed aan seejin  go’aankaas ayaan kala saxiinay hadii aan nahay Wasaaraddii Waxbarashada ee heer Federaal iyo Wasaaraddii waxbarashada Jubbaland, Baardheere ahmiyad weyn ayuu leeyahay waxa uu ka mid yahay ilaha aqoonta Wadanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa  kormeer ku tagay dugsiyada ku yaala degmada Baardheere ee Gobalka Gedo waxana ku soo dhaweyay ardayda dugsiyada Degmada Baardheere .

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Guulaha Qaran ee Ciyaaraha Fudud “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo furay tabbabar ku saabsan doorka Warbaahinta ee yareynta Xaalufinta Dhirta “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo furay tabbabar ku saabsan doorka Warbaahinta ee yareynta Xaalufinta Dhirta “SAWIRRO”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo furay tabbabar ku saabsan doorka Warbaahinta ee yareynta Xaalufinta Dhirta “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In