Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baardheere: Wasiirka Waxbarashada oo dhagax dhigay Machadka Tabbabarka Macalimiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 12, 2019
in Wararka
0
Baardheere: Wasiirka Waxbarashada oo dhagax dhigay Machadka Tabbabarka Macalimiinta Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu dhagax dhigay degmada Baardheere ee Gobalka Gedo machadka tabbabarka macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa safarkiisa uu ku tegay Degmada Baardheere  waxaa ku wehliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabir] Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Dhagax dhiga machadka laga hirgalinayo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi ka socda Wasaaradaha waxbarashada Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Wasiirka Waxbarashada Jubalaand ayaa soo dhaweyay machadka tabbabarka ee laga dhisayo degmada Baardheere ee Gobalka Gedo waxa uuna sheegay in ay tahay talaabo horay looqaaday, waxa uuna ka codsaday Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya in Wasaaraddu ka caawiso dhismaha iskuullada.

Wasiiru doowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa waxa sheegay in horumarka Waxbarashada ay tahay talabaada koobaad ee qofkasta oo Soomaali ah looga baahan yahay isla markaan machadkaani la hirgelinayo Degmada Baardheere uu yahay mid ay ka soo bixi doonan macallimiin tayo leh.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay dhagax dhiga machadka tabbabarka macallimiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in bahda Waxbarashada muhiimad gaar ah uu u leeyahay machadkaan.

“Waxaan maanta aniga wafdigii ila socdayba aan u nimid Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, anagoo isigu jirno Wasaaradii Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  iyo Deeq bixiyaasha qaarkood muhiimada koobaad ayaa aheyd in aan u kuur galno arrimaha Waxbarashada iyo bahda Waxbarashada reer Baardheere waxaan si gaar ah ugu nimid in aan dhagax dhigno machad soo saari doono macallimiinta dugsiga Hoose Dhexe ee labada maamul Gobaleed  ee Jubalaand iyo koonfur Galbeed ,Wasaaradda Waxbarashada Jubbalaand oo ugu horeyo Wasiirka Waxbarashada Jubbalaand, isla markaana nagu marti geliyay maanta Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, waxaana ku heshiinay oo aan rabaa in ay ogadaan bushada reer Baardheere in dugsi ku yaalo degmada Baardheere ay dowladdii hore u laheyd oo dayacan, isla markaan bur bur xoogana ka muuqdo in aan dayac tirno hadii aan nahay Wasaaraddii Waxbarashada ee heer Federaal, Wasaaradda Waxbarashada Jubbalaand iyo Guddoomiyaha Gobalka Gedo iyo Guddoomiyahii degmada Baaardheere, iyagana waxa ay balan qaadeen  in ay keenaan macallimiin aqoon sare leh oo aan aheyn kuwo maalina yimaado, maalina gooya oo aan carruurta Soomaaliyeed aan seejin  go’aankaas ayaan kala saxiinay hadii aan nahay Wasaaraddii Waxbarashada ee heer Federaal iyo Wasaaraddii waxbarashada Jubbaland, Baardheere ahmiyad weyn ayuu leeyahay waxa uu ka mid yahay ilaha aqoonta Wadanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa  kormeer ku tagay dugsiyada ku yaala degmada Baardheere ee Gobalka Gedo waxana ku soo dhaweyay ardayda dugsiyada Degmada Baardheere .

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Guulaha Qaran ee Ciyaaraha Fudud “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo furay tabbabar ku saabsan doorka Warbaahinta ee yareynta Xaalufinta Dhirta “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo furay tabbabar ku saabsan doorka Warbaahinta ee yareynta Xaalufinta Dhirta “SAWIRRO”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo furay tabbabar ku saabsan doorka Warbaahinta ee yareynta Xaalufinta Dhirta “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In