Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heshiiskan ku saabsan iskaashiga wada shaqeneed ee Baarlamaanka JFS iyo Golaha wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” iyadoo dhinaca kale uu u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddiga saaxiibtinimada e labada Baarlamaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed “Abshir Bukhaari” ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaali iyo Jabuuti uusan aheyn mid bilow ah,  isla markaana labada wadan ay yihin laba dal oo walaala ah.’

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doono.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer Jabuuti iyo dowladooda, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

Sidoo kale kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Shacabka JFS ayaa waxaa mudanayaasha hortiisa xilkiisa loogu dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.


Ibrahim Gudle Isxaq

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Dalka Kenya

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kenya

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kenya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In