Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 16-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen.

Ajandaha kulanka oo ahaa Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed, iyadoo xildhibaannadu ay soo gudbiyeen in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan warbixinta xuquuqul Insaanka ee Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo Xildhibaannada Golaha hortooda ka aqrisay hindise sharciyeedka, ayaa waxa ay sheegtay in dalka uu u baahan yahay xuquuq dhameystiran oo ay yeeshaan dadka naafada ah ee ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiyo Xildhibaano ah oo soo gudbiyeen warbixin ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo ay booqasho ka sameeyeen Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa waxay sheegeen in loo baahan yahay xuquuq ay yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaala dalka, waxayna soo jeediyeen dadka dembiyada yar yar loo heeysto in la cafiyo, si xabsiga oo ciriiri ah dadka loo kala yareeyo. Sidoo kale Xildhibaannadda waxay xuseen in qofka la soo xiro aan xabsiga lagu ilaawin, la maxkamadeeyo si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray, ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha faray in warbixinta seddaxda guddi ay soo diyaariyeen ku wareejiyo Guddiga Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.






















 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Mashruuca xalka waara “SAWIRRO”

Next Post

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dalka Turkiga 

Next Post
Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dalka Turkiga 

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay dalka Turkiga 

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In