Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka KGS oo Ansixiyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 23 Maarso 2023 ee lagu gaaray Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka KGS oo Ansixiyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 23 Maarso 2023 ee lagu gaaray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane, Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay wehliso Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Marwo, Shamso Maxamed Yaroow, ayaa maanta Shir guddoomiyay Kalfadhiga 6-aad Kulankiisa 1-aad oo Ajendahiisu ahaa:

1. Aqrinta 1aad Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska KGS
2. Kalsooni siinta Hanti Dhowraha Guud ee DKGS
3. Ansixinta Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ)

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Kulanka Baaralamanka Maanta Waxaa soo xaadirey 48 -Mudane.

Ugu horrayn Hanti Dhowraha cusub Mudane, Maxamed Cumar Axmed oo dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa hor-yimid Golaha, isagoo faahfaahiyay Qorshaha Howleedka Xafiiska Hanti Dhowrka horyaala, intaas kadibna Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod aqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Hanti-dhowraha si uu shaqadiisa u guto.

Waxaana Oggolaatay mudane 48,mana jirin cid ka aamustay cid aan u codeynba.

Intaas kadib, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dowlad Gobaleedyada koonfur Galbeed howlgalka Abdullahi Mohamed Adan (Farey) ayaa Golaha ka hor Aqriyay Hashiiska Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) ay ku gaareen magaadada Muqdisho 27-Maarso 2023 oo sheegaya Hannanka Doorashooyinka Dalka iyo Midaynta Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada, isagoo Xildhibaanada ka codsaday in ay Ansixiyaan oo ay ku raacaan Golaha Wadatashiga Qaran Hashiiska ay ku gaareen Magaalada Muqdisho Maadaama Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed ay soo ansixiyeen 8-da June 2023.

Kadib Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha ayaa Cod geliyay Hashiiska, iyadoo xildhibaanada Golaha Wakiilada cod aqlabiyad ku ansixiyay kuna raacay Golaha Wadatashiga Qaran Hashiiska ay gaareen.Waxaana Oggolaatay 48 mudane.

Dhanka kale, Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga DKGS Mudane, Colaad Maxamed Cali, ayaa Golaha ka hor Aqriyay Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya,isagoo aad u faahfaahiyay muhiimada uu sharcigaan u leeyahay Booliska KGS isagoo sheegay in sharcigaan uu sahlayo hagidda, Nidaaminta iyo qaab-dhismeedka Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada ayaa shirka soo xiray, isagoo sheegay in Guddiga Amniga ee Golaha iyo guud ahaan Xildhibaanada ay waajibkooda ka gutaan Hindise-sharciyeedkan hor yaala.

Previous Post

Aqalka Sare oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS

Next Post

Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Next Post
Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In