Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada baarlamanka Somalia ayaa maanta go’aamiyay in la sameeyo guddi Baarlamaani ah oo la dagalama musuqa ayagoo dhanka kale guda galay aqrintii labaad ee hindise sharciyeedka Hantidhowrka guud ee Qaranka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ka Dooday akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka, iyadoo Xildhibaannadu ay ka hadleen argtidooda ku aadan wax ka badal iyo wax ku kordhin intaba.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane maxamad Sheekh Cusmaan jawaari oo ka hadlay kulanka maanta ayaa ugu Horeen xildhibaanada u sheegay.

“Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda waxa uu baarlamaanka Soo weydiistay in xukumadiisa la horkeeno sagaal iyo tobanka bishaan, wada hadal dheer ka dib waxaan isla qaadanay in golaha xukuumadda Baarlamaanka la horkeeno toban iyo todobada Bishaan illaa iyo hada wax jawaab ah kama helin Ra’iisul wasaaraha maadaama shaqo badan ay inoo taal waxaan qaadanay in maalinta sabdiga ah la keeno xukuumadda” ayuu yiri Guddoomiye jawaari

Soo jeedinta Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib waxaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay soo jeediyeen in la sameeyo guddi Baarlamaani ah oo la dagaalama musuq maasuqa waxaana soo jeedintaasi uu Guddoonku ka dalbaday Xildhibaannada iney codkooda ka dhiibtaan waxaana ogolaatay sameynta guddi hoosaadka ilaalinta Xasiloonnida Baarlamaanka iyo la dagaalanka musuq maasuqa 161 Xildhibaan,Seddex xildhibaanna waa ay diideen halka hal Xildhibaanna uu ka aamusay sida uu Afhayeenka Baarlamaanka ku shaaciyey natiijada.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay maanta kulankooda ku gudagaleen akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayadoo Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaankana ay Xildhibaannada hor keeneen warbixintooda ku aadan waxyaabihii ay kasoo bedeleen Hindise Sharciyeedkan.

Maallinnimada berrito ah ayey Xildhinaannadu sii amba qaadi doonaan akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka halka maalinnimada sabtida ahna la filayo iney Xildhibaannada gudagalaan kalsooni siinta Xukuummadda cusub ee uu soo dhisay Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Islaamka iyo Garsoorka

Next Post
Islaamka iyo Garsoorka

Islaamka iyo Garsoorka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In