Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay codka kalsoonida kala laabteen xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu kooramka ku furmay 211 mudane, waxaana markii dambe ay tirada Xildhibaannada noqdeen 235 mudane.
Gudddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta ee maanta, waxaana uu sheegay in 153 mudane ay ogolaatay in ay dhacdo xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli, halka 80 mudane ay diiday mooshinka, waxaana ka aamustay labo mudane, sidaasina baarlamaanka waxa uu codka kalsoonida ah kala laabtay xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli.