Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo go’aamiyay in sharci laga soo saaro darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”  ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha, waxaana furitaankii kulanka Xildhibaannada loo qeybiyey qaraar ay Guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka kasoo diyaariyeen arrinta derbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, ayadoo qaraarkaasina uu Xildhibaannada u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Qaraarkaasi markii la akhriyey kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka ay bilaabeen iney tallooyinkooda soo jeediyaan, ayadoo soo jeedinta Xildhibaannaduna ay u badneyd in qaraarka lagu bedello sharci, maadaama uusan  horey u meel marin qaraar uu Baarlamaanka kasoo saaray arrinta derbiga Kenya ay ka dhiseyso Xuduudda dhammaadka bishii June ee sanadkan 2015.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Tallooyinka Xildhibaannada kadib Guddoonka Baarlamaanka waxa uu Xildhibaannada weydiistay iney u codeeyaan soo jeedinta Xildhibaannada ee aheyd in qaraarka Baarlamaanku kasoo saari lahaa dhismaha derbiga la sheegay in Kenya ay ka dhiseyso Xuduudda loo rago sharci, waxaana taasi ay Xildhibaannadu ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah, waxaana afhayeenka Baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta uu xusay in sharcigan ay soo diyaarin doonaan guddiyada Arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee Baarlamaanka mudo 48 gudahood ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya Khaalid Cumar Cali oo Baarlamaanka ka hor hadlay ayaa tilmaamay in haba yaraatee aanay jirin heshiis ay Xukuumaddu hada qorsheyneyso iney Kenya kala gasho arrimaha Badda ama Xuduudda dalka.

Inkastoo Baarlamaanku go’aamiyey sameynta sharci si deg deg ah looga soo saaro derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda, hadana Dastuurka dalka u degsan qodobkiisa 7aad oo ka hadlay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya farqadiisa afaraad ay amreyso “Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960kii ee Soomaaliya”.

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In