Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo go’aamiyay in sharci laga soo saaro darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 14, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”  ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha, waxaana furitaankii kulanka Xildhibaannada loo qeybiyey qaraar ay Guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka kasoo diyaariyeen arrinta derbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, ayadoo qaraarkaasina uu Xildhibaannada u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Qaraarkaasi markii la akhriyey kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka ay bilaabeen iney tallooyinkooda soo jeediyaan, ayadoo soo jeedinta Xildhibaannaduna ay u badneyd in qaraarka lagu bedello sharci, maadaama uusan  horey u meel marin qaraar uu Baarlamaanka kasoo saaray arrinta derbiga Kenya ay ka dhiseyso Xuduudda dhammaadka bishii June ee sanadkan 2015.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Tallooyinka Xildhibaannada kadib Guddoonka Baarlamaanka waxa uu Xildhibaannada weydiistay iney u codeeyaan soo jeedinta Xildhibaannada ee aheyd in qaraarka Baarlamaanku kasoo saari lahaa dhismaha derbiga la sheegay in Kenya ay ka dhiseyso Xuduudda loo rago sharci, waxaana taasi ay Xildhibaannadu ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah, waxaana afhayeenka Baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta uu xusay in sharcigan ay soo diyaarin doonaan guddiyada Arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee Baarlamaanka mudo 48 gudahood ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya Khaalid Cumar Cali oo Baarlamaanka ka hor hadlay ayaa tilmaamay in haba yaraatee aanay jirin heshiis ay Xukuumaddu hada qorsheyneyso iney Kenya kala gasho arrimaha Badda ama Xuduudda dalka.

Inkastoo Baarlamaanku go’aamiyey sameynta sharci si deg deg ah looga soo saaro derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda, hadana Dastuurka dalka u degsan qodobkiisa 7aad oo ka hadlay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya farqadiisa afaraad ay amreyso “Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960kii ee Soomaaliya”.

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In