Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka dooday hindise sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhrinta 2aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka usoo gudbiyey warbixinta Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka oo wax ka bedel ku soo sameeyay Hindise Sharciyeedkan waxaana Guddoomiyaha Guddigan Mudane Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu qeexay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dalka isagoo sidoo kalena ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney meel mariyaan.

Xoghayaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isna Mudaneyaasha Baarlamaanka u akhriyey guud ahaanba qodobada xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo wax ka bedelkii ay guddiga kusoo sameeyeen waxaana qodobada xeerkan ka sokoow siyaasadda lagu hagayo isgaarsiinta guud ee Qaranka iyo in gacanta dowladda lagu soo celiyo maamulka isgaarsiinta ka sokoow ka mid ah in shirkadaha isgaarsiinta is wici karaan oo uusan muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbanaan in uu qaato ama isticmaalo madaxyo kala duwan oo telefoonnada gacanta ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Dhinaca kale waxaa Xildhibaannada Baaramaanka loo qeybiyey soo jeedin wax ka bedel lagaga sameynayo qodobada qaar ee sharcigan oo ka timid xubno guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ka tirsan, waxaana Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hor akhrisay soo jeedintooda ayaa xustay in qodobada 8-aad ee hindisahan uu qeexayo in guddiga xubnhihiisa laga dhigo 7 balse u qeybsami karin hanaanka saami qeybsiga Soomaalida ee lagu heshiiyey sidaasi darteedna ay soo jeedinayaan in laga dhigo 9 xubnood si looga hortago kala sed bursi iyo in nidaamka lagu ansixinayo guddiga uu maro habraaca ay maraan guddiyada madaxa banaan oo ah in marka Golaha Wasiirradu soo ansixiyaan Baarlamaanka la horkeeno.

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey ayaa gebagebadii Baarlamaanka xasuusiyey in sharcigan muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka iyo dadka sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in uu u gudbo akhrinta seddexaad oo ah marxaladii ugu dambeysay si loo ansixiyo.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 16ka bishii May ee sanadkii 2014, waxaana Baarlamaanka la hor keenay 22ka bishii Octobar ee sanadkii hore in la ansixiyana waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka, balse in Xildhibaannada Baarlamaanka ka doodaan, ku darid iyo wax ka bedelidna ku sameeyaan ay tahay shaqada iyo waajibaadka qaran ee loo idmaday.

Previous Post

Guddoomiye Muungaab oo shacabka ka codsaday la shaqeynta laamaha amniga

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In